Madaxweynaha Ereteriya Oo Ganafka Ku Dhuftay Madaxbanaanida Koonfurta Sudan

0
1034

ereteriya

Nayrobi(Geeska)-Madaxweynaha dalka Ereteriya Mr. Issias Afawerki ayaa cambaareeyay madaxbanaanida dalka Koonfurta Sudan oo ka go’ay dal weynaha Sudan.

Issias Afawerki, oo dhwaaan u waramay telefishanka dawladda ee dalkiisa, wuxuu madaxbanaanida dalka cusub ee Koonfurta Sudan ku macneeyay mid ay ka dambayso siyaasad shisheeye oo farogelin ku haysa gobalka, wuxuuna dadka reer Sudan ugu baaqay inay ilaashadaan midnimada dhulka inta hadhay.

Dadweynaha Koonfurta Sudan ayaa cod aqlabiyad ah ku meelmariyay afti dadweyne oo laga qaaday oo lagu weydiinayay inay doonayaan qaran madaxbanaan iyo inay rabaan inay ka sii mid ahaadaan Sudan, waxaanay aqbaleen inay noqdaan dal gaar ah, dhawaana waxa loo samayn doonaa xaflad cusub oo lagu xaqiijinayo dawladnimada Koonfurta Sudan.

Madaxweynaha Ereteriya oo dalalka bariga Afrika kaga jira go’doon siyaasadeed, ayaa hadalkiisani wuxuu ku soo booddo ku noqday dad badan oo isweydiiyay sababta uu uga horyimid aayo ka tashiga umadda Koonfurta Sudan oo door biday inay noqdaan qaran madaxbanaan, iyadoo dalkiisuba uu ka go’ay dalka Itoobiya oo uu hore uga mid ahaan jiray.