Diyaarado Dul Hehaabaya Xamar iyo Al-Shabaab Oo Ku Tijaabisay Lidka Diyaaradaha

0
909

diyaarado

 

Muqdisho(Geeska)-Kooxda al-Shabaab ayaa la sheegay inay lidka diyaaradaha ku rideen helicoptero dul heehaabay qeybaha ay ka taliyaan ee Muqdisho, kuwaas oo aan la aqoonsan waxa ay yihiin.

Goob jooge ka gaabsaday magaciisa ayaa VOA-da u sheegay in maalmahanba ay si joogta ah magaalada Muqdisho ugu dul heehaabayeen diyaarado isugu jira helicoptero iyo AC-130.

Wuxuu sheegay in diyaaradahaasi aan la arki karin xarfaha ku qoran, wuxuuna sheegay in lidka diyaaradaha ay ku rideen koox aanu magacaabin. Hase yeeshee degmada laga riday ee Yaaqshiid, waxaa haysta kooxda al-Shabaab.

Diyaaradahan ayaa guux weyn samaynaya, waxaana aad looga dareemayaa goobaha ay dul marayso, waxaanay abuurtay dareen iyo shaki badan. Waxaana la sheegay inay yihiin saddex diyaaradood oo kala duwan.

Dalalka ku bahoobay NATO ayaa dhawaan sheegay suurtogalnimada in duqaymo laga fuliyo Somaliya, gaar ahaan meelaha aanay dawladda Sheekh Shariif Joogin, waxaana fikirkaas soo dhaweeyay Raysalwasaaraha Maxamed Cabdillaahi Maxamed.