Surwaalka Kor U Qaado..!, Haddii Kale U Diyaar Garow 6 Bilood Oo Xabsi Ah Iyo $500 Oo Ganaax Ah

0
636

Picture8Washington (Geeska)- “Surwaalka Kor U Qaado..!, Haddii Kale U Diyaar Garow 6 Bilood Oo Xabsi Ah Iyo $500 Oo Ganaax Ah” Sidaas waxaa cinwaan ka dhigtay shabakadda wararka ee Russia Today oo ka waramaysay sharci xiiso badan oo mamnuucaya in surwaalka meel hoose laga xidho. Golaha deegaanka ee magaalada Ocala oo ka tirsan gobolka Florida ee dalka Maraykanka ayaa soo saaray sharci cusub oo xaaraan ka dhigaya in la xidho surwaallada u samaysan qaabka keenaya in qayb badhida ka mid ahi muuqdo. Sharcigan anshaxa labbiska dadka lagu wanaajinayo ee uu goluhu soo saaray waxa uu dhigayaa surwaalkiisu ka xidhan yahay masaafad xundhurta ka hoosaysa in ka badan 5 Sentimitir, ee taasi ay keento in ay muuqdaan qaybo jidhkiisa ka mid ah, ama dharka uu hoosta ka gashan yahay (Nigis iyo garanka), kadibna la soo mara shaarac ama meel dad joogaan in lagu ciqaabi doono 6 bilood oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaadhaya 500 oo doolarka Maraykanka ah.

Degelka New Journal ee Maraykanka oo uu wargeyskan Geeska Afrika warkan ka soo xigtay waxa uu intaas ku daray in sharcigani uu booliiska waajib kaga dhigayo in ay la socdaan qaabka surwaallada loo xidhan yahay, waxa aanu farayaa in qofka ay marka koowaad ku qabtaan laga rabo in la siiyo digniin ah in uu si deg-deg ah u soo beddelo surwaalka, haddii ay dhacdo in uu amarkaas qaadan waayana inta uu booliisku qofkaas sawir ka qaado ayaa ay sawirkaas u geynayaan xeer-ilaalinta, oo iyaduna bilaabi doonto nidaamka sharci ee loogu gogol xaadhayo in qofkaas dhaqso loo soo xidho si sharciga loo hor geeyo.

Warku waxa uu intaas ku daray in tan iyo sannadkii 2009ka uu golaha sharci dejinta magaalada Ocala waday isku day uu doonayo in sharcigan lagu ansixiyo, laakiin ay muddadaas dheer hor-taagnaayeen qaar ka mid ah xubnaha golaha oo u arkayey in sharcigani ka hor imanayo xorriyadda dadweynaha. Laakiin aakhirkii waxaa xoog badatay doodda xildhibaannada sharcigan watay oo iyagu qaaday dood weyn oo macnaheedu ku soo ururayo in xorriyadda macnaheedu aanu ahayn in qofku uu qaawani shaaracyada magaalada ku dhex maro.