Saxafiyad Caan Ahayd Oo Cudur La Garan Waayey U Dhimatay Maalmo Yar Kadib Markii Ay Taageertay Weerarka Ay Yuhuuddu Ku Qaadday Qaza Iyo Ereyadii Ay Tidhi

0
591

Picture9Qaahira (Geeska)- “Khayrkaagu ha bato Netanyahoow. Alle ha badiyo kuwa adiga oo kale ah si ay uga takhalusaan Xamaas oo hoy u ah musuqa, khiyaanada, fasahaadka, daba-dhilifna u ah Akhwaanka… Alle ayaa aan ku dhaartay ee qofka yidhaahda waa Xaaaraan in uu ka yaabi waxa aan ku sameeyo” Waxaa ay ereyadani ka mid ahaayeen weerar afka ah oo ay saxafiyadda caanka ahayd ee Cisat Saami ku qaadday ururka Xamaas iyo dadka reer Qaza, si badheedh ahna ugu taageerayso weerarka ay Yuhuuddu ku qaadday Marinka Qaza iyo guud ahaanba go’aanka raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu weerarkan ku qaatay.

Cisat Saami oo u dhalatay dalka Masar waxa ay hadda ahayd ku-xigeenka guddoomiyaha wargeyska Al-Ahram, isla markaana madax ka ahayd waaxda baadhitaannada, iyada oo horena ugu shaqayn jirtay wakaaladda wararka ee Sharqal Aawsat. Waxa uu warkeedu aad bulshada u soo dhex galay markii ay 2dii bishii ina dhaaftay ee Juulaay ay barta ay ku leedahay bar-kulanka bulshada ee Facebook ku baahisay hadallo ay si kulul ugu weerarayso ururka Xamaas isla markaana ay raysalwasaaraha Israa’iil ku hambalyeynayso weerarka uu ku qaaday Marinka Qaza awgeed. Hadallada kale ee yaabka leh ee ay qortayna waxaa ka mid ahaa, “Fadliga bisha barakaysan (Ramadaan) waxa aan Alle kaga baryayaa in uu si adag u qabto Xamaas iyo dadka taageera iyo cid kasta oo jecel” hadalladan gabadhan oo aad uga cadhaysiiyey dad badan oo reer Masar ah iyo inta badan ee dunida Carabta iyo Muslimka ayaa sabab u noqday in boqollaal qof siyaabo kala duwan u naqdiyaan hadallada Cizat. Si kastaba ha ahaato ee waxaa mucjiso noqotay markii maalmo kadib ereyadaa ay saxafiyaddu baahisay, la maqlay warka dhimashadeeda.

Cisat Saami ayaa u dhimatay xanuun soo booddo ah oo dhakhtarradu aanay garan waxna ka qaban kari waayeen, iyada oo fasax nasasho ah ku joogtay magaalada dalxiiska ee Al-Cayn Sakhanah ayaana ku geeriyootay. Dad badan oo aad uga xumaaday hadalladeeda ayaa markiiba baahiyey qoraallo ay ku tilmaamayaan in dhimashada saxafiyaddani uu yahay abaalka Rabbi ee gefkii ay ka gashay dadka reer Qaza ee sida xaq-darrada ah ay Yuhuuddu u xasuuqayso, iyada oo wargeyska Carabta qaarkoodna cinwaano ka dhigteen, “Nacdashii Qaza oo dishay Cizat Saami”