“Wasiirka, Cukuse Waxba Hadda Ka Sheegi Maayo Shakhsiyadiisa, Laakiin Muddo Kordhinta Shacbiguna Ma Ogala, Caalamkuna Ma Ogala”

0
621

Picture7Hargeysa(Geeska)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ahna sida oo kale Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si adag uga hadlay Siyaasad Cusub oo Xukuumadu ay muddoyinkii danbe ku eedeenaysay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,taasi oo ahayd in ay wadaan Siyaasad Habar-Magaado ah,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay tahay wax lagu qoslo in Xukuumadu ay muwaadiniintu marka ay Xisbiga kulmiye ka tirsan yihiin aan reer loogu yeedhin,balse marka uu Xisbiga WADDANI uu u soo digo rogto loogu yeedho inuu yahay Muwaadin reer ah,waxaana uu tibaaxay in aanay ka Xisbi WADDANI ahaan aanay muwaadiniinta ka diga rogata aanay ku tilmaami doonin in ay yihiin muwaadiniin reer ah.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay qolka nasashada ee Cigal International Airport kadib socdaal muddo todobaad ah qaatay oo uu ugu maqnaa Dalka Jabuuti,waxaana uu ugu horayn ka xogwaramay ujeedada Socdaalkiisa uu ku tagay dalka Jabuuti iyo sida oo kale waxyaabahii ay ka soo wada hadleen masuuliyiintii uu halkaasi kula kulmay,isaga oo carabka ku dhuftay in ay Madaxda ugu sarsaraysa dalka Jabuuti ay wada qaateen kulamo gaar ah kana wada hadleen sii adkaynta Xidhiidhka labada Dawladood ee Somaliland iyo Jabuuti. "Waxaan aad ugu faraxsanahay in aanu maanta ku soo nabad noqonay dalkayagii,waxaan safar hawleed oo kooban aan ku tagay dalka Jabuuti ee aynu Jaarka nahay sida aad ka warqabtaanba waxaa inaga dhaxeeya Jabuuti Cilaaqaad wanaagsan oo dhinacyo badan leh hadduu yahay dhaqan,hadduu yahay ganacsi iyo hadduu yahay Iskaashiba muddadii koobnayd ee aan halkaas joogay waxaan marti u ahayn dawlada Jabuuti,waxaana safarkayagii koobnaa uu daarnaa uun sii xoojinta Cilaaqaadkaa dhinacyada badanleh ee inaga dhaxeeya dalka aynu walaalaha nahay ee Jaarka ah ee Jabuuti,waxaanu iska arragnay Masuuliyiin dalkaasi haday yihiin baarlamaan iyo hadday yihiin Xukuumadba,waxaanu isla soo qaadnay uun waxaa ay ahaayeen sii xoojinta Cilaaqadkaa wanaagsan ee ka dhaxeeya labada waddan,waxaan kale madaxweynaha ugu tagay "Kortance Call" booqosho sharfeed,Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta kaleba waxaanu ka wada hadalnay wanaajinta cilaaqaadka Somaliland".Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi .

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Cirro waxaa kale oo uu ka hadlay caqabadaha illaa hada horyaala qabsoomida Doorashooyinka soo socda ee u baahan in ay hada Xukuumada Siilaanyo ay u guntato sidii ay wadada ugu sii xaadhi lahayd in dalka ay Doorasho xor iyo xalaal ahi ka dhacdo,waxaana uu carabka ku dhuftay in loo baahanyahay si loo guddo galo Diiwaan galinta Madaniga ah in Ansaxin ,wax kabadal iyo kaabisba lagu sameeyo Xeerka Diiwaan galinta madaniga,Xukuumadana looga fadhiyo in ay si dhakhso ah ay ugu soo gudbiso Golaha Wakiilada,Sida oo kalena waxaa uu tibaaxay in iyadana loo baahan yahay in mawqif midaysan laga yeesho Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland,waxaana uu yidhi: “Guud ahaana dareenka dunida iyo sida aan qabo ka shacbiga reer Somalilandba maanta wax qudha ayaa la sugayaa,waxaa la sugayaana waxa weeye Xukuumada oo lays waydiinayaa goor may qabanaysaa Doorashadii,waxaan ka warqabnaa sida Xeerku uu tilmaamayo Doorashada waxaa ka horaynaysa Diiwaan galin diiwaan galintu waxa weeye waxaa la diiwaan galinayaa dadka codaynaya ee qaan gaadhka ah ee reer Somaliland arrintaasi meel wanaagsan ayaa ay soo gaadhay waa laga wada shaqeeyey laakiin laba arrimood ayaa wali ka qabyo ah ansixinta waxkabadalka iyo kaabista Xeerka Diiwaan galinta oo barigii hore Diiwaan galinta la sameeyey waxaa lagu sameeyey faraha laakiin maanta waxaa lagu daray Indhaha markaa xeekaasi Xukuumada ayaa uu horyaala,waxaana laga sugayaa Xukumada  Xeerkaasi si ay u bilaabanto wakhtigii loogu tala galay diiwaan galinta ee ahaa bisha 9-aad xeerka haddii ay golaha u soo gudbiso si dhakhso ahna haddii ilaahay ka dhigo uu golahuna waa jibkiisii ka guto,arrinta kale waxa weeye ee ka qabyada ahi ee mujtamaca dawliga ahina inaga sugaayo arrinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka,haddii Komishankan jooga loo kordhinaayo muddadiisa iyo haddii kale oo talo kale oo midaysan oo lagu midaysan yahay la qaadanayaba taana waxaa laga rabaa in ay Xukuumadu ay soo bandhigto.Waxaa aduunkuna rajaynayaa shacbiguna rajaynayaa in diiwaan galintu wakhtigeedii ay ku bilaabanto oo aan wax dib u dhac ahi ku imanin ".Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaa uu sida oo kale uu daboolka ka qaaday in beesha Caalamka iyo waliba bulshada reer Somaliland waxa qudha ay sugayaan ay tahay in dalka ay Doorasho ka dhacdo, isagoo soo xiganaya hadal uu Wasiir Cukuse ku duray uu yidhi "Horena ugamaan baqan haddana ka baqan maayo laakiin wada shaqaynbaa naga dhaxaysa Xukuumada Wasiirkana maan dhagaysan,Wasiirka Cukuse waxba hadda ka sheegi maayo shakhsiyadiisa laakiin muddo kordhinta shacbiguna ma ogala Caalamkuna ma ogala,waxaa la doonayaa in doorashadu ay wakhtigeedii ay ku dhacdo,muddo kordhinba la sheegayey laga hadlay Baarlamaanka xilka qabashada Doorashada amaa Golaha Wakiilada ha noqoto ama Gole kale ha noqoto Xukuumada ayaa uu saaran yahay aniga iyo Golaha Wakiiladuba waxaanu diyaar u nahay in marka Xukuumadu ay qabato Doorasho Golaha Wakiilada ah in aanu amaanadii aanu shacbiga u soo celino laakiin su'aashu waxa weeye goorma ayaa ay qabanaysaa Doorashada?".Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro

Guddoomiye Cirro waxaa uu ugu danbayn ka hadlay Siyaasada Habar Magaadada ah ee Muddooyinkii danbe Xukuumada Siilaanyo si aada ugu xajiimaynaysay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI. "Aniga waxaa ay ila tahay wax lagu qoslo ninka muwaadinka ah ee Markuu KULMIYE joogayna aan reerka ahayn Markuu WADDANI yimina reerka noqonaya ama Habar-noqonaya”,markaa waxaa ay illa tahay muwaadiniintu xaqba ay u leeyihiin hadday WADDANI ka baxayaan iyo haday KULMIYE ka baxayaanba laakiin anagu muwaadinka WADDANI ka baxa ee KULMIYE taga reer ku sheegi mayno taasi markaa Xukuumada ayaa ay u taalaa"Ayuu yidhi Md:Guddoomiye Cirro.