Sunta Shinnidu Waxay Awood U Leedahay In Ay 60 Daqiiqo Gudahood Ku Burburiso Dahaadhka Unugyada Kansarka

0
597

Cilmibaadhis cusub ayaa lagu ogaaday in sunta shinnidu ay awood yaab leh u leedahay dilista unugyada kansarka naaska, isaga oo raad taban oo aad u yar ku yeelanaya unugyada badqaba. Dr. Ciara Duffy oo ka tirsan xarunta Perkins Harry ee cilmibaadhista caafimaadka iyo jaamacadda Western Australia, ayaa iyada oo adeegsanaysa suntan shinnida oo lagu asteeyo tirsiga 312 waxa ay tijaabooyin ku samaysay bukaanno kansar qaba oo kala jooga dalalka Australia, Ireland iyo England, si cilmi ahaan loo ogado raadka ay sunta shinnidu ku leedahay kansarka naaska noocyadiisa, oo uu ka mid yahay nooc dawayntiisu aad u yar tahay, sida ay faafisay majaladda ‘NPG – Nature Percision Oncology, tijaabooyinkaas waxaa lagu ogaaday in suntani ay si dhaqso ah u burburin karto unugyada kansarka naaska.

Dr. Duffy waxa ay sheegtay in sunta micimada shinnidu ay aad u khatar badan tahay, illaa heer ay awood u leedahay in ay boqolkiiba boqol disho unugyada kansarka, iyada oo aan dhaawac gaadhsiin unugyada dabiiciga ah.

Prof. Peter Keinken oo madax u ah saynisyahannada jaamacadda Western Australia, ayaa sheegay in natiijada daraasaddan ka soo baxday ay si la yaab leh u muujinayso in maadadda ‘Mellitin’ oo ku jirta sunta shinnidu ay awood u leedahay in ay joojiso koritaanka iyo taranka unugyada kansarka naaska.

Dr. Duffy waxa ay hadda waddaa tijaabada suurtagalnimada in maadadda Mellitin lala isticmaalo dawooyinka kiimikaad ee hadda lagula dagaalamo Kansarka. Ujeedada ugu weyn ee maadaddan laga leeyahay ayaa ah in laga faa’iidaysto awoodda ay u leedahay in ay daloollo u samayso dahaadhka saree e kansarka, taas oo suurtagelinaysa in dawadu ay gudaha u gasho unugga si ka awood iyo dhaqso badan sidii horena u disho kansarka gaboodka ka dhigtay.