“Annagu Ma Hayno Meel Carruurteena Kiristaan Loogu Dhigo, Mana Jirto..” Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta JSL

0
513

Hargeysa (Geeska) – Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa beeniyey in meel ka mid ah dhulka Somaliland lagu dhigo wax ka hor imanaya Diinta Islaamka.

Wasiir Khaliil oo daba socday Wararka la xidhiidha in dugsiyada dalka qaarkood Carruurta loogu dhigo duruus la la xidhiidha Diinta Kiriista ayaa sheegay in aanay Wararkaasi waxba ka jirin.

Wasiirka oo  Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Annagu ma hayno meel Carruurteena Kiristaan loogu dhigo, mana jirto.”

Wasiirku wuxuu sheegay inay Maxkamadda la tiigsanyaan Cidda baahisay Wararka lagu sheegay in meelo ka mid ah Dalka lagu dhigo Diinta Kiristaanka “Cidda qortayna Maxkamadaha ayaanu la tiigsanaynaa, Waayo? waxay doonayaan inay Ummaddan yidhaahdaan waa Ummad gaalo ah, wax kale markay inoo waayeen ayaa la leeyahay Kiristaan baa lagu dhigaa, iskuulladoodu waa caynkan, waxa laga dhisaa Kiniisado, waxyaabahaas oo dhami waa waxyaabaha ummadda lagu kala dilayo, innaguna inaynu isku maqallo maaha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu beeniyey Muuqaal carruur jaas ciyaaraya oo Dadka qaarkood uga shakiyeen inay reer Somaliland yihiin “Qaar Jaas ciyaaraya oo la leeyahay waa Hargeysa, waana Hindiya (Muuqaalka la baahiyey)..”

Geeska.net/Hargeisa Office