Xurmada Iyo Ilaalinta Uu Islaamku Siiyey Goobaha Cibaado Ee Dadka Aan Muslimiinta Ahayn

0
79

Almuqasasi buuggiisa ‘Almawaacid wal-Ictibaar’ waxa uu kaga warramaya xidhiidhka u dhexeeyey dadka kala diimaha ah ee ku wada dhaqan dhulka Islaamka, gaar ahaan sida qolo kastaa u arkaysay ama ula macaamishay goobaha cibaadada ee qolada kale. Waxa uu sheegayaa in Cali Bin Sulaymaan Ibnu Cabbaas oo ahaa Amiirkii Masar 794 kii miilaadiga uu amar ku bixiyey in la burburiyo kaniisadda mad-habta Ortodhogoska ee Maryam oo ku taalla magaalada Qudus, waxa kale oo la burburiyey kaniisado ku yaallay Qustantiin. Laakiin markii xukunka dawladda Islaamka laga qaaday Muusa Bin Ciisa Ibnu Cabbaas sannadkii 799 kii, ayaa la soo saaray amar dadka Kiristaanka ah u ogolaanaya in ay dhisaan kaniisadihii uu Cali burburiyey.

Culimadii shareecada Islaamka ayaa iyaguna xilligaas aad u difaacay dib u dhiska kaniisadahaas hore loo burburiyey, iyaga oo sheegay in aanay diinta Islaamku ogolayn in la burburiyo goobaha cibaadada. Waxa ay marag u soo qaateen Markii sannadkii 644 kii dhalashadii Ciise kaddib uu Amiirkii Muuminiinta cumar Binu Khadaab ballan kula galay dadkii deggenaa magaalada Qudus oo ay Muslimiintu qabsatay in nafahooda, maalkooda, mucatabyadooda iyo kaniisadahooduba ammaa ay yihiin oo aanay muslimiintu wax yeellayn doonin.

Inkasta oo hoggaamiyeyaashii dagaalkii mucatableyda ee ay Kiristaanku ku soo qaadeen muslimiintu ay khasaare badan u geysteen masaajidda iyo goobaha xurmada leh ee muslimiinta ee ay qabsadeen, meelo badan ay gubeen haddana marar badan oo kalaba waxaa dunida soo maray hoggaamiyeyaal diineed oo kiristaan ahaa oo ka qaybqaatay ama amray dhismaha masaajid sida oo kalana amar ku bixiyey in aan la waxyeellayn masaajidda ku yaalla dhulka ay qabsadeen.

Mar kalana asxaabigii weynaa ee Khaalid Bin Waliid ayaa ay ciidamadii uu hoggaaminayey qabsadeen Dimishiq ooh adda ah caasimadda Suuriya waxa uu qoray warqad uu dadkii dhulka deggenaa ugu ballanqaadayo in dhiiggooda, maalkooda iyo kaniisadahooduba ay aamin yihiin. Waxaa isaguna isla jidkaas maray hoggaamiyihii Muslimiinta Cumar Binu Cabdalcasiis oo mar uu warqad u qoray mid ka mid ah masuuliyiintii uu goballada u magacaabay waxa u uku yidhi, “Ha dumin goob cibaado iyo kaniisad midna”

Taariikhyahankii reer Dimishiq ee Ibnu Kasiir ayaa isaga oo ka warramaya sida ay qarniyadaas colaadaha darani socdeen haddana muslimiinta iyo kiristaanku marar badan nabadda ugu wada noolaayeen, waxa uu tusaale u soo qaatay waqti soo maray masaajidka weyn ee Jaamacal Umawiya oo ku yaalla Dimishiq. Waxa uu sheegay in  markii ay muslimiintu qabsadeen Shaam iyo Dimishiq sannadkii 14 naad ee hijriyada oo ku beegnayd 636 Dhalashadii Ciise kaddib, in ay musliumiintu ogolaadeen in dadkii Kiristaanka ahaa ee dhulka deggenaa ay gacanta ku sii hayaan maamulka 14 kaniisadood. Waxa uu Ibnu Kasiir sheegay in xitaa ay dhacday in hal kaniisad loo qaybiyey laba qaybood oo ay qayb ahaan muslimiintu ku tukadaan, qaybta kalana kiristaanku haystaan.