Sunta Lagu Buufiyo Beeraha Khudradda Si Cayayaanka Ay Uga Ilaaliso Ayaa Ragga Ku Keeni Karta Ma Dhalays

0
1235

Picture8Cilmibaadhis dhowaan natiijadeedu ay soo baxday ayaa daahfurtay in uu jiro xidhiidh weyn oo ka dhexeeya sunta lagu buufiyo beeraha khudradda si looga ilaaliyo cayayaanka iyo hoos u dhaca tayada bacarimineed ee biyaha ninka.

Tijaabo laga qaaday 155 ka mid ah ragga dabiibka u soo doonta xarun lagu daweeyo ma dhalaysnimada oo ku taalla dalka Maraykanka intii u dhexeysay 2007dii illaa 2012kii ayaa lagu ogaaday ragga khudradda badan cunay ay boqolkiiba 49 ka yar yihiin tirada noolaha manida ragga la mid ah ee aan iyagu khudrad badan cunin.

Khubarada cilmibaadhistan samaysay ayaa sii dabagalay sababta raggan oo da’doodu u dhaxaysay 18 sano illaa 55 ay khudraddu ugu sababtay madhalaysnimada, waxa aanay ogaadeen in sababtu aanay khudradda lafteeda ahayn, balse ay tahay dawada suntan ah ee lagu buufiyey markii ay baxaysay, oo la falgashay.

Daraasaddan oo lagu faafiyey majalladda Human Reproduction ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ragga khudradahan dawada lagu buufiyey cunay laakiin aad isaga maydhay intii aanay cunin ama diirka sare ee dusha iska dhilay ay la kulmeen khatar ma dhalaysnimo oo ka yar tan heshay ragga iyaga oo aan si fiican u maydhin cunay.

Si kastaba ha ahaato ee khubarada daraasaddan soo saaray waxa ay qireen in ay weli u baahantahay tijaabo iyo dabagal cilmi oo intan ka sii qoto dheer, si loo sii xaqiijiyo natiijadan isku xidhaysa dawada lagu buufiyo khudraddu marka ay baxayso iyo ma dhalaysnimada ragga.