Cilmi Baadhis Daahfurtay In Raggu Ay Cimri Dherer Ka Qaadaan Guurka Xaasaska Badan

0
979

London (Geeska)- Daraasad ay sameeyeen khubaro ka tirsan jaamacadda Sheffield ee dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in guurka dumarka badani ragga u leeyahay faa'idooyin caafimaad oo badan oo ay ka mid tahay cimri dherer. Cilmibaadhistan oo muddo la waday waxa ay natiijadan marag uga dhigtay, caddaymo ka soo baxay tirokoob ay hay'adda caafimaadka adduunku ku samaysay dalal badan oo ah kuwa sharci ahaan laga ogolyahay in ninku dhowr xaas yeesho, waxaana tiro koobkan hay'adda ka soo baxay in ninka qaba in ka badan hal xaas uu boqolkiiba 12 ka cimri dheer yahay ninka xaaska keliya leh.

Cilmibaadhistan oo lagu faafiyey majaladda New Scientist waxa ay caddaysay in ninka xasaska badan lihi uu mar walba helo daryeel ka badan ka uu helo ninka xaaska keliya lihi, taasina ay ka mid tahay sababaha uu uga caafimaad fiican yahay kan xaaska keliya leh. Lance Workman oo ah khabiir ku takhasusay cilmunafsiga ayaa mar uu majaladdan uga waramayey natiijada daraasaddan waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, "Haddii uu ninku qabo in ka badan hal xaas waxa uu helaa daryeel iyo xannaanayn aad u sarreeya" Khabiirkan oo ka tirsan jaamacaddda Bath Saba oo ku taalla dalka Ingiriiska isaga oo sii wada sharraxa daraasaddan waxa uu intaas ku sii daray in marka horeba guurku uu ragga u yahay caafimaad, ninka xaaska lihina mar walba ka caafimaad badan yahay doobka, waxa kale oo uu sheegay in labada xaas iyo ka badani ay sii wanaajiyaan caafimaadka ninka, "Waxa cilmi ahaan run ah in ninka xaaska keliya lihi ka caafimad badan yahay kana cimri dheeryahay ka bilaa xaaska ah" ayaana ka mid ahaa hadallada Lance Workman.

Shareecada Islaamka ayaa ninka u bannaysay Afar xaas, laakiin waxa jira dhaqanno iyo diimo badan oo aaminsan in ninku aanu guursan Karin wax ka badan hal xaas.