Tahriibayaal Tiro Badan Oo Ku Geeriyooday Biyaha U Dhexeeya Wadamada Talyaaniga Iyo Liibiya

0
545

Picture2Qiyaastii 400 oo Muhaajiriin ah oo doonaayey in ay gaadhaan xeebaha dalka Talyaaniga ayaa doontii ay saarnaayeen kula degtey Badda Mediterranean ee u dhexeysa Waqooyiga Afrika iyo Koonfurta Yurub, Salaasadii doraad.

Doonta ayaa sidey dad gaadhaya 550 qof, sida ay warbaahinta u sheegeen dadkii la soo badbaadiyey, waxaana ay ka soo baxdey xeebaha dalka Libya, Hay’addaha gargaarka ee dalka talyaaniga ayaa xaqiijiyey in ay soo badbaadiyeen 150 qof oo keliya, kuwaas oo la geeyey dekad ku taala Koonfurta Talyaaniga.

Sanadkan bilowgiisi ayey ahayd markii in ka badan 500 oo qof ay ku dhimatey badda Mediterranean kuwaas oo doonaayey in ay gaadhaan qaaradda Yurub.

Dadka la soo badbaadiyey ayaa badankood ka soo jeedaan dalalka ka hooseeya Saxaraha Afrika, sidaas waxaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay afhayeenka hay’adda badaadinta caruurta.

Maalintii Isniinta waxaa xeebaha Talyaaniga soo gaarey Muhaajiriin kor u dhaafaya 2000 oo qof.

Xaaladaha ba’an ee ka taagan dalalka Yemen, Siiriya, Liibiya ayaa kor u kiciyey qulqulka Muhaajiriinta.