Suldaan Saleban Oo Shalay Hargeysa Lagu Caleemo Saaray

0
544

 

suldaankaHargeysa(Geeska)-Waxa shalay magaalada Hargeysa si rasmi ah loogu caleemo saaray Suldaan Saleban Boqor Cismaan Xasan, oo ka mid ah madaxdhaqameedka beelaha Somaliland.

 

Suldaan Saleban, oo xafladiisa caleemo saarka lagu qabtay bariga magaalada Hargeysa, waxa ka qayb galay oo hadalo ka jeediyay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey, Suldaan Barre Xaaji Xuseen, Suldaan Aadan Faarax, Suldaan Cadde-gude, waxaana hadaladooda kaga warameen shakhsiyadda suldaanka cusub iyagoo ugu duceeyay in Alle u fududeeyo xilka culus ee loo caleemo saaray. Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay Caaqil Rashiid Jaambiir Kaahin, Chief Caaqil Cabdiweli, Chief Caaqil Cabdi Faarax Yuusuf, chief Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe iyo weliba wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geeljire), Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye, Xildhibaan Cali Maareexaan.

Suldaanka cusub Suldaan Saleban oo ugu dambayn madashii caleemo saarka oo si weyn loo soo abaabulay hadal ka jeediyay, ayaa wuxuu halkaas ka balan qaaday inuu ku shaqayn doono cadaalad iyo inuu wada shaqayn rasmi ah la yeelan doono Suldaan Yuusuf Xiirey oo ah Suldaanka guud ee Beelaha Isaxaaq oo uu Suldaanka cusubina ka so jeedo, “Waxaanu noqon doonaa laba nin oo saaxiiba oo gacmaha is qabsada, danta reerka ka wada shaqeeya oo aanay xifiltan iyo xumaani dhexmarin.” Ayuu yidhi suldaanka cusubi.