Somaliland Iyo Baanka Aduunka Oo London Ku Qabanaya Kulan Lagu Dhiirigelinayo Ganacsiga Dalka

0
546

 

Hargeysa (Geeska/The Horn)- Xukuumada Somaliland iyo Baanka Aduunka ayaa wada-jir u martigelinaya kulan loo qorsheeyey dhiirigelinta ganacsiga Somaliland oo maanta la dhici doonta magaalada London.

Kulankan dhiirigelinta ganacsiga Somaliland ayaa ujeedadiisa lagu sheegay sidii loo soo jiidan lahaa maalgashi lagu horumariyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, sarena loogu qaado dhaqaalaha iyo abuuritaanka fursado shaqooyin cusub mudooyinka soo socda, kuwaa soo kobcin doona xaaladaha nololeed ee shacabka Somaliland.

Kulankan oo la sheegay inuu diirada saarayo sidii maalqabeenada shisheeyahu u dareemi lahaayeen fursadaha iyo taageerada xukuumada Somaliland iyo ganacsiga Somaliland ka heli karaan.

Kulankaa ayaa intuu socdo masuuliyiinta Somaliland ee khudbadaha ka jeedin doona ka mid yihiin wasiirka Qorshaynta Qaranka, Dr, Sacad Cali Shire iyo agaasimaha guud ee wasaarada Ganacsiga, Mr, Abiib Axmed Cali iyo weliba masuuliyiin ka socda Baanka Aduunka.