Shabakada GOOGLE Oo Xanibtay Daawashada Filimkii Nebi Muxamed CSW Lagu Aflagaadeeyay

2
580

 

Picture3Peshawar, (Geeska/HuffPost)- Xildhibaan hore uga tirsanaan jiray baarlamaanka Pakistan ayaa u ballanqaaday  abaalgud $200,000 qofkii dila ninkii sameeyey filimkii lagu aflagaadeeyey diinta Islaamka, dhamaan muslimiinta aduunkana ka cadhaysiiyey.

 

Xildhibaan Ikramullah Shahid ayaa ballanqaadkiisa ku sheegay banaanbax isniintii shalay ka dhacay magaalada Peshawar, ee dalka Pakistaan, oo dad gaadhayey 15,000 ka qeybgaleen.

Ballanqaadkan abaalgud ee dilka gaalkii sameeyey filimkaa ayaa noqonaya kii labaad ee Pakistaan lagaga dhawaaqo, taasoo hore wasiir ka tirsan xukuumada Pakistaan shaaciyey inuu abaalgud  $100,000 siin doono qofkii dila gaalkaa, halka banaanbaxyo lagaga soo horjeeday filimkaa oo Pakistaan ka dhacayey mudooyinkii u danbeeyey ku dhinteen dad gaadhaya 23 qof.

Dhinaca kale, xeer-ilaaliyaha guud ee Masar ayaa waaran qabasho ah u jaray salaasadii todoba Masaari kiristaan ah iyo gaalka degan Florida ee sameeyey filimka diinta islaamka lagu dhaleeceeyey, halka shirkada GOOGLE gebi ahaanba xanibtay ka daawashada filmikaa gaalku sameeyey bartooda Youtube-ka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Masar ayaa lagu sheegay in sideedaa qof loo haysto denbiyo ay ka mid yihiin halis-gelinta midnimada Massar, u weerarida si qaawan diinta Islaamka iyo ka faafinta dacaayado been ah. Saraakiisha xeer-ilaalinta ayaa sheegay hadii lagu helo denbiyadaa in ciqaabtoodu noqon doonto dil.

Kiiska nimanka ayaa loo gudbiyey maxkamada denbiyada ciqaabta ah inkastoo aan wakhti loo qaban dhegeysigeeda. Eedaynta nimankaa ayaa la sheegayaa inay tahay sumcad-dilis, maadama dhamaantood joogaan Masar dibadeeda, lana filayn inay yimaadaan.

Comments are closed.