Sucuudiga Oo Go’aamiyey In Meherku Aanu Ka Badan 13 Kun Oo Doolar Si Guurka Loo Dhiirri Geliyo

0
680

Picture9Riyaad (Geeska)- La-taliyaha boqorka dalka Sucuudiga oo isla markaana ah Amiirka xukuma gobolka Makah Al-Mukarama, Amiir Khaalid Al-Faysal ayaa guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolkan amar ku siiyey in ay kulan degdeg ah la yeeshaan hoggaamiye-dhaqameedka iyo hal-doorka qabiilooyinka gobolka si loogu qanciyo in ay saxeexaan dhukumanti lagu xakamaynayo meherka dumarka oo si aad ah kor ugu kacay, isla markaana lagu dhimayo kharashaadka baaxadda leh ee ku baxa guurka.

Qoraalka uu Amiirku u diray guddoomiyeyaasha degmooyinka waxa uu ku sheegay in isaga oo ka xun qaaliyowga meherka ee muddooyinkan u dambeeyey ka jiray deegaanka, kaasina uu u sabab yahay in guurkii yaraado oo ay badato tirada dumarka gaadhay ama dhaafay da’da guurka iyada oo aan weli calaf helin in ay arrintaas qasab ka dhigayso in guddoomiyeyaasha degmooyinka kala duwani ay la kulmaan odayaasha qabiilooyinka si loo dejiyo xeer xakamaynaya xaddiga meher ee laga bixin karo hablaha la guursanayo, kadibna ay ansixiyaan maxkamadaha degmooyinka kala duwan, loona gudbiyo Amiira si uu dhaqangal uga dhigo.

Amiirku intaas kagama uu hadhin ee waxa uu qoraalkiisan ku socday guddoomiyeyaasha degmooyinka ku caddeeyey in meherka inanta gashaantida ah aan laga badin lacag dhan 50 Kun oo riyaal (13’328 doolar) ama wax la qiimo ah, halka gabadha carmalka ahna uu dalbaday in aanu meherkeedu ka badan 30 kun oo riyaal (Waxa ay u dhigantaa 8 kun ooo doolar.

Sahamin dhowaan laga sameeyey dalka Sucuudiga ayaa muujisay in tirada dumarka aan la guursani ay ku sii badanayso dalkaas, marka loo eego halka ay hadda marayso oo ah 4 Milyan oo hablood oo gaadhay da’dii guurka, halka ay sannadkii 2010 tirada hablaha guurku ka dib dhacay ka ahayd 1.5 Milyan dalka Sucuudiga oo dhan. Xeeldheerayaasha cilmiga bulshada oo baadhay sababta keentay in habluhu guur beelaan ayaa sheegay in meherka oo aad qaali u ah iyo kharashka ka dambeeya ee guurka ku baxa oo badani ay yihiin sababta ugu weyn. Sida dhaqanka Islaamku yahay inanta Sucuudiga marka la guursanayo waxaa meherkeeda ka wada hadla aabaheed ama masuulkeeda iyo ninka guursanaya, waxaana inta badan dhaqan ah in isla markaas uu ninku wada bixiyo meherka, haddii aanu ugu yaraan kala badh sii bixinayn.