Soonka Iyo Sixada (13): Faa’idooyinka Caafimaad Ee Laga Helo Cunista Xabxabka Ee Xilliga Afurka Iyo Suxuurta

0
903

Riyaad (Geeska)- Jidhka aadamuhu waxa uu maalin kasta u baahan yahay ugu yaraan laba litir oo biyo ah, xilliga xagaagana baahidaasi waa ay sii korodhaa heerkulka kor u kacaya awgeed. Waxa ay si gaar ah baahidu ugu sii badataa dadka sameeya jimicsiga jidhka iyo ciyaaraha kala duwan. Marka ay Ramadaan noqotana waxaa waajib noqota in jidhka loo kordhiyo biyaha uu helayo, si looga badbaadiyo khatarta caafimaad ee ka dhasha ingagga jidhka ay biyo la’aantu ku keento iyo kulaylka qorraxda ee jidhka dhaca, gaar ahaan marka heerkulku dhaafo boqolkiiba 40 oo keena xaalado caafimaad oo khatar badan. Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in xilliga xagaaga uu jidhku u baahan yahay ugu yaraan saddex litir oo biyo ama cabbitaanno kale ah, sida sharaabka iyo caanaha, ama ah biyaha ku jira khudradda sida xabxabka, khayaarka iyo shamaamka iyo kuwa la midka ah.

Biyuhu waxa ay ka qayb qaataan burburinta maaddooyinka cuntada ku jira, taas oo caawisa habka ka faa’idaysiga cuntada iyo qashin qubka, waxa aanay hoos u dhigaan heerkulka jidhka.

Qofka sooman waxaa la gudboon in uu bisha soon awoodda saaro cabbitaannada kala duwan ee aan sonkorta lahayn, si aanay ugu keenin suus ilkaha ka gala ama dhiirrigelin in miisaanka qofku kordho. Waxaa iyaduna muhiim ah in xilliga afurka la cabbo shurbadda. Waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in shurbaddu ku fiican tahay in la cabbo xilliga calooshu madhantahay, waayo, caloosha ayaa ay u fududahay, waxa aanay jidhka siisaa biyo.

Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in waqtiga la afuran yahay oo dhan uu qofku hadba biyaha wax ka cabbo isaga oo aan sugayn in uu harraado, si uu jidhku u helo biyo ku filan oo ka ilaaliya ingagga.