Dharagga Inta Ladan Iyo Dareen La’aanta Danyarta Kamaal Abiib Axmed”shaacir”

0
1042

Somaalilaan waxa ka jira sicir-barar ba'an oo saameeyey nolosha danyarta iyo dabaqadda hoose,dad badan ayaa su'aalo iska waydiiya halka ay sartu ka qudhuntey,ma bangiga dhexaa? Ma wasaaradda maaliyaddaa? Mise waa sariflayaasha?

Saddex shaqo aan is dultaago;

1.bangi dhex:waa haa'yada ka musuula maammulka lagacta"Monterey policy"

Suuqgalinta

lacagta,daabacaadda  lacagta, daba galida bangiyadda kale ee ganacsi ee dalku leeyahay  innay u hoggaansamaan awaamiirta bangiga dhex,waxay masuul ka yihiin,jaangoynta sarafika iyo isku baddalka lacagaha qalaad iyo u talinta sariflayaasha.

2.wasaaradda maaliyadda;waa hay'ad ay dawladdu u xilsaartey,qarash garaynta lacagta "fiscal policy" iyo dajinta miisaaniyadda dalka.waxay xidhiidh leeyihiin yihiin,bangiga dhexe  una xilsaaranyihiin socodsiinta lacagta dalka  iyo baahinteeda, waxay kasoo gashaa saamaynta sicir bararka inay cashuur dheeraad ah kusoo rogto badeecadaha dalka soo galaya taasina ay maceeshaddii kiciso illeen ganacsaduhu bulshadda ayuu ku dalacaa  intii lasaarey.

Maxaa layidhaa sicir-barar?

waa marka agabka iyo adeega bulshadda sida joogtada ah u isticmaasho kor u kaco, lacagta dalku isticmaalana hoos u hoobato waxa sababey soomaalilaan hadday bangiga dhexe oo gabay shaqadiisii oo noqdey qasnad wax lagu kaydsado oo kaliya,dhoofintii iyo lacagtii adkeyd ee dalka soo galaysey oon jirin,maceeshadii iyo adeegii oo lagu jaangooyey dollar "Goods and service"

Waxa sidoo kale,saamayn ku le lacagta "electronic money" oo ka saamaysa lacagta beenta ah iyo nambarada ah suuqa ku dhex wareegta "circulation of electronic money"

Oon bangigii dhex oolin oo hawada wareegta iyadoo been ah.

Aduunku waxa uu adeegsadaa lacagtiisa oo qudha,haddii laga maarmi waayo waxa uu isticmaalaa"duel system"

In laba lacagayow ay iska barbar shaqeeyaan  'aanteenan ahayn gadhaw lagu siidaaye gafuurdhaaf.

Hadda somaalilaan waxa ka samaysmey laba dabaqadood oo qudha,dabaqadda hoose iyo dabaqadda sare "lawer class and upper class"

Dabaqadda jabtey waxa kamid  ah dadka ku qaata mushaarkooda lacagata shilinka ,oo ayna ganbo u jarayn

soomaalilaan,askarta,macalimiinta dawladda iyo dhammaan xoogsatada,muruqmaal,danyarta hoose.

Xalku waxa uu noqonayaa;

1. in bangiga dhexe uu qabsado shaqadiisa oon laga gabban cidna ee loo tudho bulshada oo kaliya

2.ina bangiga la hoos keena dhammaan "electronic money" oo inta lacag wareegta ay bangiga dhexe taal iyadoo caddaana,haddii ay khalkhasho dadka lacagta uu bangigu siiyo.

3.in wasaarada maaliyadda ay yarayso amma joojiso cashuurta dheeraadka ah sida badeecadaha xiliga sicir -bararka.

4.in ganacsatada amar lagu siiyo inay badeecadaha ku iibiyaan Somalilaan shilin.

5.in dadku ku bixiyaan qarashaadkooda shilinka,sida biilka biyaha,waxbarashadda iyo laydhka

Kamaal Abiib

Axmed"shaacir"