Soonka Iyo Sixada (11): Saddex Talo Oo Kaa Caawinaya In Suxuurtu Aanay Dhibaato Caafimaad Kugu Keenin

0
586

Hargeysa (Geeska)- Laba qormo oo hore waxa aynu kaga soo warannay qaladaadka inta badan ay dadka soomani galaan xilliga afurka ee dhibaatada ku keena caafimaadkooda guud ahaan, isla markaana culays kaga dhiga soonka. Qormadanna waa mid kale oo uu Geeska Afrika ku eegayo qaladaadka ay dadka soomani ka galaan suxuurta iyo dhibaatada caafimaad ee ka dhalan karta:

Suxuurtu waxaa ku jira barako, sida uu inoo caddeeyey nebigeennii Muxammed (SCW), waana cunto qaadasho qofka in badan ka fududaysa soonka, maadaama oo ay ku soo dhowdahay waaberiga, laakiin suxuurta aynu cunaynaa waxaay u baahan tahay cilmiyeyn iyo in aynu ka fiirsanno saamaynta ay caafimaadka ku keeni karto:

– In kasta oo ay suxuurtu tahay cuntada ugu dambaysa afxidhashada taasina ay keento in dad badani ay ka fahmeen qalad oo ay ka dhigaan cunto culus, si aanu maalintii qofku u gaajoon. Haddana khubarada caafimaadku waxa ay ka digeen in laga dhigo cunto dheefshiidka ku culus.

Cuntooyinka suxuurta ku habbooni waa kuwa nafaqada leh, si sahal ah dheefshiidka u mari kara, dareeruhuna ku badan yahay, sida caanaha iyo cuntooyinka laga soo dheegto iyo sidoo kale khudradda darayga ah, sidoo kale waxaa fiican in qofku uu cuno cadaska oo leh faa’idooyin caafimaad oo aad jidhka ugu fiican isla markaana harraadka la dagaalama.

– Suxuurta oo la cuno goor hore waxa ay keentaa in dheefshiidka oo aan weli dhammayn burburinta cuntadii cashada iyo afurka ay cunto kale oo culusi dusha kaga timaaddo, taasina ay ku keento khalkhal, miisaanka ay kordhiso isla markaana khatar ku tahay guud ahaanba caafimaadka qofka sooman. Sida uu sunnaha Nebi Muxammed (SCW) ina barayo suxuurtu waa in aad dib loogu dhigo, khubarada caafimaadka ee arrintaas sii dabagashayna waxa ay ku talinayaan in ay noqoto niska dambe ee habeenkii.

– Dadka qaar ayaa ku suxuurta cuntooyin milixdu ku badan tahay, cuntooyinka shiilan ama aynu u naqaanno dhan-dhanaanka iyo cuntooyinka busbaaska leh. Waxaa laga yaabaa in cuntooyinkani ay qofka ka caawiyaan in uu amateedku u furmo oo ay xaddi badan qaataan.

Waxa ay khubarada caafimaadku ka digeen in cuntooyinka noocan ahi ay khatar ku keenaan guud ahaanba caafimaadka caloosha, in ay harraad badan maalintii keenaan, in ay dibbiro keenaan ama gaastariga kiciyaan, in ay calool istaag keenaan iyo dhibaatooyin kale. sida ugu fiicani waa in uu qofku ku suxuurto cunto gal leh iyo khudradda oo leh biyo jidhka si fiican u wada gaadhan, labadan cunto oo ka hortag fiican u ah caloos istaagga.