Xarafka Ugu Horreeya Magacaaga Ayaa Sheegaya Dabeecaddaada Iyo Qofka Aad Tahay (Q:3)

0
829

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii saddexaad ee taxanihii Ku-celiska ahaa ee uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey xidhiidhka ka dhaxayn kara xarafka ugu horreeya magaca qofka iyo dabeecadihiisa ama shakhsiyaddiisa:

Xarafka G:

Waa xaraf aad ugu xariif ah in uu si degdeg ah dib uga guran karo arrin uu ku jiray, balse arkay in aanay dantiisa ahayn, isla markaana awood u leh sii wadistiisa. Waxaa u qarsoon karti badan oo ah in uu awood u leeyahay curin iyo hal-abuur laakiin waxa dhici karta in muuqaal ahaan uu arrintaas ku fashilmo. Waxa uu aaminsan yahay, si dadaal iyo niyad ah ayaa uu u wadaa kamana daalo ka midho dhalintooda. Qofka magaciisu xarafkan ku bilowdo waxa lagu yaqaannaa qof isku kalsoon.

Xarafka H:

Waa qof si cad oo la wada arki karo u jecel una daneeya lacagta iyo adduunka, waxa lagu yaqaannaa in uu horumar sameeyo illaa uu ka gaadho waxa uu doonayo. Si uu u sugo arrimihiisa dhanka dhaqaalaha waxa uu u maraa hab iyo waddo uu sahamiyey aadna uga fiirsaday.

Qofka magaciisu ka kaco xarafka H waxa lagu yaqaannaa waxoogaa madax bannaani ah, waa qof bulshada aad u dhex gala inta badanna arrimaha noloshiisa ee dhanka bulshada ka gaadha guulo. Waxa uu leeyahay waxooga karti ah oo uu isku bed-beddeli karo (kula qabsan karo hadba waayahay iyo duruufaha jira). Waxa uu aad uga baqaa arrimaha dhanka diinta ee khuraafaadka ah sida rooxaanta, sixirka, iwm oo uu aamino jiritaankooda iyo in ay wax yeeli karaan. Waa qof inta badan jecel aadna u dhiirri geliya in arrimaha dhinaca dhaqaalaha khuseeya laga eego si dhaqaalana loo fikiro.

Xarafka I:

Waa xaraf aad isugu kalsoon.. laakiin jacayl, kalgacal iyo calool jileec badan lagu yaqaanno. Ruuxa uu magaciisa bilaabaa waa ruux iskii u madax bannaan oo jecel in aanay cidi ikhtiyaarka iyo xorriyadda ka qaadin. Waa xaraf neceb in arrimihiisa gaarka ah la soo farogeliyo.

Qofkan inta badan noloshiisu waxa ay u badan tahay ku talax tagga iyo in uu arrimaha buun-buuniyo, gaar ahaan marka uu soo bandhigayo hiigsigiisa ama arrin uu aaminsan yahay tusaalaynayo. Sidaa awgeed waxa marar badan lagu tiriyaa in uu yahay qof wax hadda taagan ee dhabta ah ka dhacsan ama aynu nidhaahno qof aan waaqaca iyo joogtadiisa qiimayn sax ah ku samayn karin, taas oo nolosha ku ah gal-daloolo weyn. Qofkan waxaa ku jira dareen iyo xiise kalgacal oo uu u hayo wax kasta oo ku hareeraysan. Waa qof dareen feejigan inta badanna si degdeg ah arrimod badan ku gala, taasina dhibteeda keeni karto, si kastaba ha ahaato ee waa qof arrimaha bani’aadamnimda xoog u dareema una daneeya.

La soco…