Soo Dhawayntii Loo Sameeyay Guddomiye Cirro Oo Madaxtooyada Gelisay Dareen Ka Duwan Midkii Ay Hore U Qbeen

0
531

Picture3Hargeysa(Geeska)-Soo dhawayntii guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna guddoomiyaha Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) loo sameeyay Arbacadii waxa ay banaanka soo dhigtay laba qodob oo siyaasiya, kuwaas oo dadka qaar u muuqday, kuwo kalena si kale ugu muuqday.

Soo dhawaynta Cirro oo ay abaabulkeeda lahaayeen xisbiga Waddani ee uu hoggaamiyaa, waxa ay abuurtay jawi siyaasi ah oo la mid ah muuqaladii lagu soo dhawayn jiray Madaxweyne Siilaanyo wakhtigii uu mucaaradka ahaa. Waxyaabaha soo dhawaynta Cirro macnaha u yeelay waxa ka mid ah dagaalka kaga socda golaha wakiilada oo uu isaga laftiisu tilmaamay inay madaxtooyadu dabada ka waddo iyo weedho ay habeen ka hor soo dhawayntiisa jeediyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada tashiga iyo toosinta qaranku, kuwaas oo shacabka kula taliyay in si diiran loo soo dhaweeyo.

Laakiin; marka si guud loo eego, waxa ay soo dhawaynta Cabdiraxmaan Cirro muujisay laba nabar oo kala ah awoodda xisbiga Waddani oo u muuqata mid hoos-hoos isu soo taraysa iyo taageerada go’aankiisii isku shaandhayntu uu ku leeyahay golaha wakiilada. Tusaale ahaan qodobka koowaad ee awooda waddani waxa laga dheehan karayay dadkii faraha badnaa ee soo dhawayntiisa u tagay madaarka Hargeysa, kuwaas oo ay ka muuqatay kalsooni ay ku qabaan xisbigaas, iyagoo islamarkaana muujiyay awoodooda isa soo taraysa.

Qodobka labaad ee ay soo dhawaynta Cirro muujisay ayaa isna ah taageerada uu ku dhex leeyahay xildhibaanada golaha wakiilada, iyadoo muuqaalada laga arkay xildhibaano ka tirsan kuwa ugu cad cad xisbiga KULMIYE oo si aan la filayn u soo dhaweeyay. Tusaale ahaan Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo ka mid ah ragga ugu culus xisbiga KULMIYE, wuxuu isagoo u hadlayay xildhibaanada golaha wakiilada uu halkaas ka cadeeyay inay taageersanyihiin go’aankiisii isku shaandhaynta guddi hoosaadyada golaha, isagoo intaas raaciyay inuu goluhu diyaar u yahay inuu xilkiisa guto. Xildhibaan Siciid, keli kuma ahayn soo dhawaynta Cabdiraxmaan-Cirro, waxase weheliyay xildhibaano kale oo KULMIYE ku abtirsada.

Waxaanay dadka siyaasadda rog-rogaa aaminsanyihiin inay labadaas qodob sabab u noqon karaa inay xukuumadu wax ka bedesho dagaalkii ay ku waday Cabdiraxmaan-Cirro, kaas oo ka bilowday guddi hoosaayada uu isku shaandhaynta ku sameeyay oo ay laba jago oo muhiim ah xisbiga Waddani guddoon ka noqdeen. Waxaana la soo warinayaa inay xukuumaddu dib isu weydiinayso waxyaabaha ka dhalan kara dagaal siyaasadeed oo si toos ah uga dhex qarxa Cirro iyo madaxtooyada, kaas oo ay dadka qaarkii u arkaan inuu xataa saamayn ku yeelan karo danta guud.

Hase yeeshe haddii ay xukuumada iyo xisbigeeda KULMIYE ee is huwani ka noqdaan dagaalka Cirro iyo haddii kaleba, waxa uu guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro u muuqdaa nin banaanka uga soo baxay gurigii diblomaasiyadda, una soo diyaar garoobay inay is waajahaan Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa oo horeyso iyo dambaysaba ay is huranyihiin, maadaama oo ay ku loolamayaan kursiga Madaxweynaha dalka.