Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Safar Ku Tagaya Gabiley

0
589

Picture2Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu maanta socdaal ku tago magaalada Gabiley ee gobalka Gabiley.

Ujeedada socdaalka Madaxweynaha ayay wararku sheegayaan inay la xidhiidho sidii uu uga qayb geli lahaa xaflad qalin jebin ah oo loo samaynayo ardayda Jaamacadda Gabiley, kuwaas oo uu shahaadooyinka guddoonsiin doono.

Madaxweynaha ayay wararka qaar sheegayaan inuu u hoyan doono Gabiley, halka ay warar kalena sheegayaan inuu ka soo laaban doono isla maanta. Waxaana waxa la filayaa in Madaxweynuhu uu kulamo la yeesho odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Gabiley.

Ardayda Jaamacadda Gabiley, ayaa muddo sugayay inuu Madaxweyne Siilaanyo kala qayb galo munaasibadda qalin jebintaa.