Dawladda Kenya Oo Caasimadda Hargeysa Ku Dartay Magaalooyin Afrika Ka Tirsan Oo Ay Sannadka 2014 Ka Furanayso Qunsuliyado

0
807

Picture4Hargeysa(Geeska)-Dawladda Kenya ayaa miisaaniyadda sannadka cusub ee 201 ku dartay siddeed safaarado iyo lix qunsuliyadood oo ay mid ka mid ah sheegtay inay ka furanayso magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay inay miisaaniyadda cusub oo bilaabmaysa bisha Jully ee sannadka 2014 ay ugu jirto sideed safaaradood iyo lix qunsuliyadood oo ay ka furanayso wadamo Afrikaan ah oo ay Somaliland ku jirto.

Wargeyska Business Daily, ee Kenya ka soo baxa ayaa toddobaadkan baahiyay in caasimadda Somaliland ee Hargeysa ay ka mid tahay magaalooyinka laga furayo qunsuliyadaha. Waxa kale oo qunsuliyado ay Kenya ka furan doontaa magaalooyinka Garowe iyo Kismaayo oo ka tirsan dalka Somaliya, iyadoo qunsliyadaha sidoo kale laga furi doono magaalooyinka Carusha, Lagos, Goma, halka safaarado ay ka furan doonto Algeria, Morocco, Angola, Ghana, Malawi, Senegal, Djibouti iyo wadanka Kuuba.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya waxay sheegtay inay talaabadani ka mid tahay qorsheyaal ay kor ugu qaadayso saamaynta siyaasadeeda arrimaha dibadda ee dunida, waxaanay sheegtay in safaaradahan iyo qunsuliyadahan loo tababari doono diblomaasiyiin.

Dawladda Kenya ayaa wakhtigii Daahir Rayaale Kaahin, xafiis diblomaasiyadeed oo aan si rasmi ah u shaqayn ku lahayd Hargeysa oo uu u joogay wakiil gurigiisa ku shaqeeya. Haddii ay Kenya talabadan qaado waxay noqonaysaa markii u horaysay ee ay qunsuliyad ku yeelato wadanka Somaliland.