Madaxweynaha Taiwan Oo Ka Hadashay 30 Guurada Madax-banaanida Somaliland Iyo Doorashooyinka

0
478

Taiwan (Geeska) – Dawladda Taiwan, ayaa Somaliland ku Hambalyaysay Xuska 30 Guurada Madax-banaanida oo Shalay ku beegnayd.

Madaxweynaha dalka Taiwan oo Drs. Tsai Ing-wen oo Warqad Hambalyo u soo dirtay Somaliland, ayaa sheegay in iyadoo ku hadlaysa Magaca Dadka iyo Dawladda Taiwan ay ku faraxsan tahay inay Hambalyo diiran soo gaadhsiiso Somaliland.

“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Shiinaha (Taiwan). farxad weyn bay ii tahay inaan gaadhsiiyo hambalyo diiran oo ku aaddan munaasibadda qiimaha badan ee 30 guurada maalinta qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. ” ayay ku sheegtay Dr. Tsai Ing-wen, waxayna intaa sii raacisay inay ogsoon tahay sababta loo baajiyey Munaasibadihii waaweynaa ee loo qaban jiray xuska 18-ka May, waxayna tidhi “Waan fahamsanahay inaad go’aansatay (Madaxweyne) inaad joojiso xafladaha sanad-guuradan muhiimka ah. Waxaan bogaadinayaa xulashada xikmadda leh ee aad dadkaaga kaga ilaalineyso Covid_19, waxaanan ku kalsoonahay in Somaliland oo aad hoggaanka u hayso, ay sii wadi doonto horumarka sanadaha soo socda. ”

Madaxweynaha Taiwan waxay sheegtay inay sii qadimayso Rejadeeda ah inay habsami u qabsoomaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Deegaanka ee Somaliland ka dhacaya 31-ka bishan May.

 

Geeska.net/Hargeisa Office