Sirta Ganacsiga: Talooyin Uu Ganacsatada Siiyey Waran Buffett Oo Mar Noqday Ninka Dunida Ugu Maalqabeensan

0
1187

1Hageysa (Geeska)- Waxaa marar badan dhacda in qofku uu isweydiiyo, sirta ku duugan guusha ganacsi ee qof gaadho mid kalana gaadhi kari waayo, waa calaf iyo amuuro qaddarka Alle ku tiirsan, waxa se’ ay xaqiiqadu tahay in dadaal sannado badan soo qaatay iyo jid qodxaan badan oo uu ganacsaduhu maray ay yihiin sababaha soo gaadhsiiyey halka uu joogo.

Sida lagu sheegay qoraal lagu faafiyey shabakadda www.warrenbuffett.com oo ka faalloota arrimaha maalqabeenka iyo maalgashadayaasha, Warren Buffet oo mar ahaa maalqabeenka dunida imika se’ kaalinta Labaad ku jira, ayaa isaga oo jidka loo maro guusha maalqabeennimada ka faalloonayo waxaa hadalladiisaka mid ahaa, “In lagaado figta sare ee buurtu waa hawl ay awoodi karaan oo keliya dadka kartida badan” Laakiin waxa uu Buffet sheegay in  ay jirto arrin aasaasiya oo ay iskaga mid yihiin dhammaan dadka maalqabeenka dunida ka ahi, waxa aanu ku sheegay, “Waa dad ka duwan dadka kale” Isaga oo sii faahfaahinaya Ka duwanaanshiyahaas dadka kale ee uu sheegayna waxa uu sheegay in ruuxa maalqabeenka noqdaa uu yahay ka aan isagu sida  xoolaha uun wax iska dabagelin balse ka fikira in uu isagu wax cusub soo kordhiyo, oo noloshiisu ka duwanaanto tan dadka kale. Waana sidaas sida uu ku guulaysan karaa ayaa uu sheegay Buffett.

Hadalkan kadib waxa uu degelka Internet ka ee Buffet baahiyey talooyin uu Buffett soo jeediyey oo uu filayo in ay qofka ka caawin kato in mustaqbalka uu ganacsigiisu noqdo mid guulaysta oo isaguna uu maalqabeen noqdo.

 Talooyinkaas oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogayna waxaa ka mid ahaa, “In aan la degdegin, in cabsida laga fogaado, in qofku doonis xooggan lahaado oo iska jiro labac-labaca iyo in uu qofku cabsida ka fogaado oo ku dhac uu yesho, intaas waxaa dheer in aanu qofku degdegin. Maadaama oo go’aamada oo degdeg aad u qaadataa ay keeni karto in qaladaad aad ku dhacdo, sidaa awgeed si go’aan sax ah uu qofku qaato, waqtiga ku saxda ah waxaa muhiim ah in uu ogaado u kaadinta iyo ka fiirsiga.

Buffett waxa kale oo uu ganacsatada u tilmaamay muhiimadda ay leedahay in faa’idada dib loogu celiyo maalgashiga, si loo sameeyo faa’ido kale oo laban-laab ah, buffet waxa uu taladiisan ku sii daray, “Weligaa iska yaree deyta, sidoo kale aad u yaree kharashaadka aan loo baahnayn, cid kalana ha ku tiirsanaan”

Buffett waa ganacsade maalqabeen ah oo u dhashay dalka Maraykanka, sannadkii 2008dana waxa uu noqday shakhsiga dunida oo dhan ugu maalqabeensanaa, halka kaalinta saddexaad uu ka galay sannadkii 2011ka, sannadkii 2012kana waxaa lagu daray liiska dadka dunida ugu saamaynta badan. halka sannadkan 2016 ka uu Buffett oo haysta 72.3 Bilyan oo doolar noqday qofka labaad ee illaa hadda dunida ugu maalqabeensan, kaalinta koowaadna uu ku jiro mulkiilaha shirkadda soo saarta Barnamaijyada Kombiyuutarrada ee Microsoft kaalinta saddexaadna uu ku jiro maalgashadaha tiknoolajiyadda ee Maraykanka ah, Jeff Bezos kaas oo haysta 66.1 Bilyan oo doolar, ugu dambayna kaalinta afaraad uu ku jiro Mark Zuckerberg oo haysta 49.8 Bilyan oo doolar.