Dumarka Dalka Venezuela Waxa Ay U Dhoofaan Dalka Colombia Si Ay Timahaooda Uga Soo Iibiyaan

0
608

1Caracas (Geeska)- Selena Gonzales waxa ay ku jirtaa saf dheer oo ay ku sugayso inta ay ugu yaraan hal saac kadib ku gaadhayso kalkeeda ay ku timaheeda ku iibin doonto. Waa gabadh 45 sano jir ah, oo leh timo qurux badan oo bunni midabkoodu yahay, dhererkooduna dhexdhexaad yahay, iyaga oo isku soohan (Daban) oo ay madaxeeda ka soo jartay ayaana ay ku iibin doontaa lacag u dhiganta 20 Doolarka Maraykanka ah.

Selena oo aan qoyskeeda uga warramin in ay timaheeda iibinayso, ayaa u warrantay wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay hadalkeeda ka mid ahaa, “Waxa aan leeyahay xanuun xubnaha (Xaglaha) iga haya, waxa aanan u baahanay in aan dawo iibsado. Waa aan ogahay in lacagta aan timahayga siinayaa aanay badnayn, laakiin ugu yaraan waxa aan ku iibsan karaa dawo xanuun baabi’in ah”

Selena oo keliya ma’aha dumarka timahooda baahi faqiirnimo awgeed u iibinaya iyaga oo u dhashay dal shidaalka hodan ku ah, laakiin haddana hoos u dhaca dhaqaalihiisu gaadhay heer ay malaayiin muwaadiniin ahi awoodi kari waayaan in ay xilliyada cuntada ee caadiga ah soo koobaan oo xilliyada qaar ka boodaan, iyo in ya iska bixin kari waayaan kharashka caafimaadka ee qaaliga ku ah dalka, sababta faqriga awgeed. Sidaa waxaa caddaysay warbixin ay wakaaladda wararka Reuters arrintan ka qortay oo uu wargeyskan Geeska Afrika soo ururiyey.

Dumarka u dhashay dalka Venezuela ayaa iyaga oo kooxo kooxo ah yimaadda degmo yar oo ku taalla xuduudka dhinaca dalka Colombia ee dalka Venezuela xadka la’ leh iyaga oo u socda in ay timahooda ka iibiyaan ganacsato reer Colombia ah oo iyaguna tuulahan yar u yimaadda in ay timaha iibsadaan, waxa aanad degmada ku arkaysaa tobannaan dillaaliin ah oo ku sugan biriish iskuxidha labada magaalo ee San Antonio oo dalka Venezuela ah iyo Parada oo Colombia ah, iyaga oo cod dheer ku dhawaaqaya ereyo ay ku soo kala jiidanayaan dumarka timo iibka u socda ee biriishkan ka soo gudbaya, “Timaha ayaanu iibsannaa, timaha ayaa aanu iibsannaa”! ayaana ka mid ah ereyada ay ku dhawaaqayaan.

Warbixintu waxa ay sheegtay in qiyaas lagu sameeyey tirada dumarka timaha ka iibiya goobtan, la ogaaday in Shantii dillaal ay isku darkooda maalintii timaha ka iibsadaan qiyaas ah 200 oo dumar ah.

Timahan waxaa iibsada shirkadaha sameeya timaha samayska ah, oo inta ay dawooyin mariyaan si aanay isu beddelin dib uga faa’idaysta.

Xukuumadda dalka Venezuela oo tan iyo intii uu geeriyooday hoggaamiyihii Hugo Chaves ku jirtay xaalad adag oo dhaqaale ayaa iyadu eedda dhaqaalo xumo ee dalka ka taagan ku riixaysa ganacsatada oo ay ku doodayso in ay u heshiiyeen sidii ay u ridi lahaayeen.