Siraha Ku Duugan Maskaxda Ninka Iyo Dabeecadaha Ka Dhashay, Balse Aanu Jeclayn In Dumarku Ogaadaan

0
665

Hargeysa (Geeska) Guud ahaanba abuurka aadamuhu waxa uu ka mid yahay calaamadaha tirada badan ee adduunkan dushiisa lagu arkayo ee ina tusaya awoodda, farshaxannimada iyo xikmadda Alle ee aanay maskaxda aadamuhu si dhayal ah u sawiran karayn, ama awooddeeduba aanay gaadhsiisnayn heer ay sawirato.

Qormadan maanta waxa ayu ku wadaagaynaa calaamado abuur ah oo maskaxda raggu ay kala gaar tahay tan dumarka, waxa aanay isugu jiraan kuwo togan iyo qaar taban. Macnuhu ma’aha in dabeecadahan la’aantoodu ay wanaagsan tahay ama xun tahay, waayo, labadaba waa ay noqon karaan ama dabeecad keliya ayaa wanaag iyo xumaanba yeelan karta, laakiin ujeedku waa keliya in ay ku kala duwan yihiin ragga iyo dumarku. Dabeecadahan oo ay khubarada cilmiga bulshadu sheegeen in ninku uu jecel yahay in uu ka qariyo gabadha waxaa ka mid ah:

– Xusuusta kulanka koowaad: Sida lagu ogaaday baadhitaanno ay khubarada cilmiga bulshadu sameeyeen, ninku inta badan malaha dareenka u fiirsiga muuqaallada iwm. Caadi ahaan gabadhu waxa ay xasuusataa dhammaan tafaasiisha habeenkii arooskeeda, laakiin waxa kale oo ay xasuusataa kulankii isugu horreeyey ee ay isugu yimaaddeen saygeeda, dharkii uu xidhnaa, sida uu qaabkiisu ula muuqday, xitaa waxa ay u dhowdahay in ay xasuusato cadarkii uu marsanaa. Mushkiladdu waxa ay tahay maskaxda ninka oo aan abuur ahaanba diyaar u ahayn in ay tafaasiisha noocaas ah qabato. Laakiin waxa dhacda in gabadhu ay arrintaas u aragto dayacaad badheedh ah, si uu malahaas qaldan meesha uga saaro aanay xaaskiisu uga shakiyinna waxa uu mar kasta jilaa in uu xasuusan yahay wax kasta.

– Dhegeysiga: Abuur ahaan ayaa maskaxda ninku aanay u diyaarsanayn in ay hadalka u dhuuxdo sida dumarka oo kale. Cilmibaadhis hore loo sameeyey ayaa daahfurtay in gabadhu marka ay hadalka dhegeysanayso ay isticmaasho labadda qaybood ee maskaxda aadamuhu u qaybsanto, halka ninku u ka adeegsado keliya dhinaca bidixda oo ay khubarada saynisku caddeeyeen in ay luuqadaha qaabilsan tahay.

– Xamaasadda iyo Caadifadda: Raggu sida dumarka uma caadifad iyo xamaasad badna, waa dabeecad abuur ah oo maskaxdiisa xidhiidh la leh. Macnuhu ma’aha in aanu caadifad iyo xamaasad lahayn, laakiin waxaa laga hadlayaa marka la barbar dhigo gabadha, oo si sahal ah ugu calool dabacda, ula caadifadoota dhibta ay aragto, isla markaana xamaasad lagu yaqaanno.

– Deymada haweenka: Maskaxda ninka waa ay ku adag tahay in ay iska xakamayso deymada haweenka. Waana suurtogal in ay ka mid tahay sababaha ay diinta Islaamku ragga si gaar ah ugala dardaarantay deymada haweenka, kulana talisay in ay indhahooda hoos u laabaan. Waana dhaqan ay dumarka qudhoodu ku yaqaannaan ragga oo deymada koowaad ishoodu gabadha eegto, haddii aanu iimaan buuxinna ay u dhowdahay in uu cabbaar ku illaawo. La soco…