Shirkad Jidhka Shaqaalaheeda Dhex Gelisa Kaadh Tiknoolajiyad Ku Shaqaynaya Oo Hawlaha Fududaynaya

0
641

Stockholm (Geeska)- Shirkad ku taalla dalka Sweden ayaa dhowaan dhaqan gelisay nidaam tiknoolajiyadeed ay shaqaalaheeda kula soconayso uguna fududaynayso hawlaha shaqada, isla markaana qayb libaax ka qaadanaysa ammaanka guud ahaanba xarunta shirkadda oo noociisu dunida oo dhan ku cusub yahay.

Qof kasta oo ka mid ah ama ku soo biiraya shaqaalaha shirkaddan ama macaamil joogto ah la leh waxaa lagu samayn doonaa qalniin fudud oo ganactiisa qaybteeda dambe (Fanaxa) oo maqaarka hoostiisa ah lagu gelinayo kaadh tiknoolajiyad aad u heer sarraysa ku shaqaynaya, oo u suurtogelinaya qof kasta oo shaqaale ahi in uu xafiiskiisa furan karo, khaanadaha dhukumantiyadu ugu jiraan ee isaga u gaar ahna uu furan karo, isla markaana albaabka guud ee shirkadda ku soo geli karo, kadib marka inta gacantiisa kaadhku ku jiro, uu mariyo qalab akhriyaya oo ku dhegsan gidaarka uu albaabku is furayo si uu u galo. Intaas oo keliya ma’aha ee qalabkani waxa uu qofka shaqaalaha ah u fududaynayaa in uu isticmaalo mishiinka waraaqaha lagu sawiro (Koobi) oo aan u shaqayn doonin haddii aanu kaadhkan sidan, iyo in uu cuntada ka cuno hudheelk shirkaddu leedahay oo shaqaalaha u gaar ah, kadib marka mishiin yaalla miiska uu gacanta mariyo, si aan lacag loo weydiiin. Sidoo kale gaadhkan waxaa ku jira macluumaadka qofka uu ku jiro oo dhan, kaas oo si toos ah oo joogto ah xogta ugu xidhaya kombiyuutar dhexe oo shaqaale gaar ahi maamulayaan.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay talefishanka BBC qaybtiisa afka carabiga ayaa lagu sheegay in kaadhadhka ay isticmaalayso shirkaddan lagu magacaabo Epicenter hi tech oo weli bilow ah lagu wadaa in dhowaan la geliyo dhammaan shaqaalaha iyo ganacsatada shirkaddan joogtada ugu xidhan oo isku darka tiradoodu ka badan tahay Toddoba boqol oo ruux oo rag iyo dumarba leh.