Akhri Oo Ha Qoslin: Doqontu Xadhkaha Lagu Dabayeey Suxullada Ku Sidataa

0
566

Hargeysa (Geeska)- Waa qormo kale oo ka mid ah qisaskii maadayska ahaa ee uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa la wadaagi jiray:

Nin aan hore budhcad u ahaan jirin ayaa damcay in uu bangi dhaco. Baastoolad uu si farsamo leh kula soo dhaafay ilaaladii ammaanka ayaa uu la soo galayg gudaha bangiga, kadib inta uu soo dul istaagay mid ka mid ah khasnajiyadii bangigan ayaa uu baastooladdii ku fiiqay.

Ninkii khasnajiga ahaa oo aad u naxsan diyaarna u ah inta aanu ninkani dilin in uu dhiibo wixii gacantiisa ku jira ayaa indho baqdini ka muuqato ku eegay ruuxa baastooladda la dul taagan. Ninkii budhcadda ahaa ma’ uu hadlin ee isaga oo aamusan ayuu khasnajigii ku soo fiiqay warqad ay ku qoran yihiin ereyadani, “Adiga oo aamusan ii dhiib wixii aad lacag hayso oo dhan, haddii kale xabbad ayaan madax kaaga dhufanayaa”

Laakiin ninkan budhcadka ah waxaa amakaag ku noqotay markii inta ay cabsidii ka baxday ninkii khasnajiga ahaa uu isaga oo dhoolla caddaynaya dhiibay Lacagtii. Laakiin waqti uu sababta kaga fikiro ma’ uu hay nee inta uu lacagtii jeebka gashaday ayaa uu dhaqso uga baxay xaruntii bangiga iyada oo aanay weli kooxihii ammaanku ku baraarugin.

Si kastaba ha ahaato ee daqiiqado yar kadib,  booliiska ayaa si dhib yar gacanta ugu soo dhigay ninkii budhcadka ahaa, sababtuna waxa ay ahayd: Waraaqdan uu tuugu sitay ee uu u dhiibay khasnajigu, waxa ay ahayd waraaq uu ku qoran yahay magaciisa, shirkadda uu u shaqeeyo iyo barta laga helo. Nasiib-darro tuuggani isaga oo aan eegin dhanka kale ee warqadda oo ahayd mid uu xisaab lacageed ku qaatay. Taas oo booliiska u fududaysay in ninkan la soo qabto.

Waxaa la ogaaday in ninkan tuugga ahi markii uu soo galay bangiga isaga oo iska ilaalinaya in shaqaalaha kale ay fahmaan uu si hoose baastooladda ugu fiiqan khasnajigan, kadibna u dhiibay warqaddan oo ilbidhiqsiyo ka hor inta uu jeebkiisa ka soo saaray uu ku qoray ereyadan. Nasiib darro waxa aanu eegin dhabarka warqaddan waxa ku qoran, degdeggii ayaana keenay in uu dhinaceeda cad uun ka faa’idaysto.