Sidee Burco Looga Xusay Maalinta Naafada Adduunka?

24
664

Burco(Geeska)-Munaasibad balaadhan oo lagu xusaayay maalinta Naafadda Aduunka ayaa shalay  ka dhacday Hoolka Dowladda Hoose ee magaalada Burco ,waxaana cod dheer lagu soo bandhigay marxaladaha aasaasiga ah ee haysta dadka laxaadkoodu kala dhantaalanyahay.

Munaasibadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo kala socday ururadda Naafadda ,sida curyaamiinta ,Dhagoolayaasha ,Indhoolayaasha ,Xisbiyadda Mucaaridka ,Xidhibaanadda Dawladda Hoose iyo qaybaha bulshadda Burco ,kuwaasi oo ku baaqay in xil layska saaro sidii dadka bulshada ka midka ah loo taageeri lahaa .

Guddoomiyaha Naafadda gobolka Togdheer Baashe Cabdilaahi Aadan oo ugu horeyn madashaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay dhibaatooyinka ku xeeran Naafadda Burco waxaanu yidhi. “ Maanta waa maalinta Xuska Naafadda aduunka qaybahooda kala gadisan waana maalin qaaliya oo loogu talogalay in ay shucuurtooda muujiyaan iyo marxaladaha ay ku suganyihiin ,waayo waxa jira dhibaatooyin badan oo haysta dadka naafada ah ,haday tahay xaga wabarashada ,haday tahay xaga shaqada ,haday tahay caafimaadka ,Hoyga iyo waliba waxyaabo badan oo kale ,xiitaa waxa jira guryo badan oo Burco laga dhiso oo aan dadka naafada ah waxba laga siisin.

Markaa waxaanu ugu baaqaynaa Hay’adaha iyo Dawlad-ba in la taageero naafadda sida bulshooyinka kale “ Sidaasi ayuu yidhi Guddoomiye Baashe.

“ Marka hore waxaan salaamayaa naafada aduunka oo dhan gaar’ahaan gobolka Togdheer  ,waxa Su’aal ah Dawladu maxay u dayacday naafadda gobolka Togdheer ,waayo hadaanu nahay naafada shuruudihii mawaadinimo ee wadanka waanu buuxinay ,dastuurkaanu u codaynay ,doorashooyinkii ayaanu si xaq ah codkayaga u dhiibanay oo aanu safafkii dhaadheeraa u galay ,laakiin balanqaadkii Dawladu ay lahayd dadka naafada ah ayaanu wax u qabanaynaa ,waxba kama jiraan ,waaney dayaceen naafadda gobolka Togdheer ,haday leeyihiin dhaqaale mahaynana waa kuwii Xamar dhaqaalaha siinaayay .Markaa waxaanu baaq u diraynaa bulshadda Caalamka iyo umadda shicibka ah ee Somaliland ,waxaananu leenahay ma hayno Dawlad aanu isku halayno hadaanu nahay naafada gobolka Togdheer “ Sidaasi waxa yidhi Cawil Daahir Ismaaciil oo ka mid ah Naafadda reer Burco.

Sidoo kale waxa iyana halkaasi ka hadlay Badhasaab ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubax ,Xog-hayaha Dawladda Hoose Cismaan Sheikh Cismaan Nuur ,Xildhibaan Rashiid Faarax iyo masuuliyiin kale kuwaasi oo dhamaantood ka dhawaajiyay dhibaatooyinka haysta Naafadda gobolka Togdheer ,waxaaney bulshadda ,Dawladda iyo Hay’adahaba ugu baaqeen in la taageero.

 

Comments are closed.