Bashaar Asad Oo Lagu Eedeeyay Dambiyo Dagaal

31
658

Picture1Guddiga u qaabilsan Qaramada Midoobay arrimaha Xaquuqul Insaanka ayaa markii ugu horeysay si toos ah u sheegay inay ururiyeen xog ku saabsan  danbiyadii dagaal ee uu galay hogaamiyaha wadanka Siiriya ee Bashaar Al Assad.

Navi Pillay oo ah madaxa guddiga u qaabilsan UN-ka xuquuqul insaanka ayaa sheegtay in xiligan la hayo cadeymo ku filan in maxkamada danbiyada dagaal lagu soo saaro Madaxweyne Bashaar Al Assad.

Qaramada Midoobay ayaa hore u shaacisay in ay baadhitaan ku wado kooxaha ka danbeeya danbiyada dagaal ee ka dhacay wadanka Siiriya balse weli hore umay  dhicin in si toos ah loo magacaabo Madaxweynaha wadanka Siiriya.

Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in talaabo laga qaado dadka danbiyada dagaal geystay kahor intaan la furin wadahadalka la doonayo in la dhex dhigo shacabka Siiriya.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Siiriya iyo wadamada Reer Galbeedka ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waday dadaalo ay ku doonayaan in dib loogu soo nooleeyo wadahadalkii mucaaridka iyo Xukuumada Siiriya.

Mucaaridka Siiriya ayaa iyagu diiday inay wadahadalkaasi yimaadaan inta uu weli Madaxweyne yahay Bashaar Al Assad.

 

Comments are closed.