Qodobka Ay Isku Qabteen Xasan Sheekh Iyo Saacid Iyo Magacyadda Ragga La Hadal Hayo Inay Noqon Doonaan Raysalwasaaraha Cusub

1
632

Picture7Muqdisho(Geeska)-Baarlamaanka dalka Somaliya ayaa shalay kalsoonidii kala laabtay Raysalwasaarahoodii Cabdi Faarax Shirdoon, waxaanay taasi sababtay in golihiisii xukuumadu meesha ka baxo.

Baarlamaanka ayaa u codeeyay mooshin ka dhan ah xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, waxaana inuu meesha ka baxo u codeeyay 184 mudane, halka ay diideen 65 mudane. Mooshinkan ayaa yimid ka dib markii ay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu is qabteen, waana dhaqan aan ku cusbayn siyaasadda dalka Somaliya, iyadoo la ogyahay in dawladihii kala duwanaa ee tan iyo 1991-kii soo maray uu Madaxweyne weliba  dhawr goor tuuray raysalwasaarihiisii.

Maxay isku qabteen

Khilaafka u dhexeeyay Xasan Sheekh iyo Raysalwasaarihiisa ayaa muddo soo jiitamayay, waxase lagu guulaystay in dhawr goor lagu dhammeeyo xaal mastuur. Laakiin qodobkan u dambeeya ee ay isku qabteen ayaa sababay inay sii kala fogaadaan. Ma jiro war rasmi ah oo ay labadooduba kaga hadleen waxyaabaha ay isku qabteen. Laakiin ilo xogogaala ayaa sheegaya inay isku qabteen hal qodob oo ah dhismaha xukuumad cusub oo uu Raysalwasaaruhu sheegay inuu soo dhisayo. Xukuumadaas ayaa sida ay wararku sheegayaan wuxuu xilkii ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, isagoo u wareejiyay wasaaradda waxbarashada,halka uu wasaaradda arrimaha gudaha u magacaabay masuul kale. Sidoo kale wuxuu gebi ahaanba xukuumadiisa ka reebay wasiirul dawlaha madaxtooyada Faarax Cabdiqaadir oo isna ah gacanta midig ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.  Waxase talaabadaas ka cadhooday Madaxweyne Xasan Sheekh oo raysalwasaaraha ka dalbaday inuu ka noqdo, isagoo raysalwasaaraha shalay kalsoonida lagala noqdayna ku adkaystay inaanu ka noqonayn. Raysalwasaaraha xilka laga qaaday ayaa mar uu ka hor codaynta shalay shirjaraa’id qabtay wuxuu si aan toos ahayn u soo hadal qaaday in khilaafkoodu ka dhashay xubno wasiiro ah. “Waa la socotaan, waxaa muqadimiin ka ah xasillooni la’aanta siyaasadeed ee maanta Wasiiro ka mid ah Xukuumadda oo qaba in iyagu ay soo hadhayaan oo si sahlan loo bixiyo Raysal Wasaaraha.  Waxaan si cad ugu sheegay Madaxweynaha , oon dadaalkiisa la’aantii halkan la isla soo gaareen, inaysan gar ahayn in koox dano gaar ah leh Somalia looga haro.” Sidaas ayuu yidhi Raysalwasaaruhu, ka hor intii aan codaynta shalay loo qaadin.

, waxaanu ismaandhaafkaasi sabab u noqday in khilaafka loo gudbiyo Baarlamaanka si loogu kala calaf qaado., waxaana aakhirkii shalay meesha ka baxay  Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo si rasmi ah u aqbalay guuldarada u soo hoyatay.

Yaa bedelaya?

Durba waxa soo baxay magacyada dhawr nin oo loo hadal hayo inuu Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabi doono Raysalwasaaraha cusub ee soo dhisi doona xukuumadda dambe. Ragga sida weyn loo hadal hayo waxa ka mid ah Xuseen Cabdi Xalane oo ka soo jeeda Beesha Ogaden, waxaanu  mar Wasiirka maaliyadda ka soo noqday dawladii Raysalwasaare Farmaajo. Ragga kale ee sida weyn loo hadal hayo waxa ka mid ah nin lagu magacaabo Prof. Maxamed Sheekh (Doodishe)  oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan oo ay Xasan Sheekh Maxamuud ka wada tirsanyihiin kooxda lagu magacaabo Damalujadiid. Waxa iyaguna jira xubno kale oo la hadal hayo inuu noqon doono Raysalwasaraha cusub.

Gunaanad

Si kastaba ha ahaate, waxa la sugayaa qofka uu noqon doono Raysalwasaaraha cusub ee Somaliya iyo weliba saamaynta raysalwasaaraha xilka laga qaaday ay ku yeelan doonto siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Comments are closed.