Sidee Aad U Noqon Kartaa Ruux Bisil Oo Noloshiisa Hanan Kara, Si Tolmoonna U Fikiraya? (3)

0
775

Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa ay bixinaysaa talooyin muhiim ah oo qofka raaca ka caawin kara in uu noqdo ruux bisil, naftiisa hanan kara, is-xakamayn og oo jawaab-celin caafimaad qabta.

7. Ha ka baqan in aad waajahdo mushkiladdahaaga: Qofka bisili waa ka aan ka warwareegin kana baxsan masuuliyadaha saaran iyo mushkiladaha shakhsiga ah ee haysta, balse ku waajaha hal-adayg, si fiicanna u garan kara sida ugu habboon ee uu xal maangal ah ugu heli karo. Waxaa fiican in qofku uu qirto ceebihiisa oo dhan ka hor inta aanay cid kale u sheegin ceebtiisa. Ogow, ma jiro qof aan ceeb lahayni, laakiin waxaa jira qof garanaya sida ay tahay in uu u waajaho iskagan caabiyo, iyo qof iska daaya inta ay ceebtaasi sii naaxayso ee ay noqonayso boog madow oo shakhsiyaddiisa ku taalla. Qof kastaa labadaa ha kala doorto.

8. Qoyskaaga daryeelkooda ogow: Berigii hore labadaada waalid ayaa ku siin jiray wax kasta oo aad u baahato, oo daryeel iyo gacan-qabasho ah, waana hubaal waalidkaa inta uu nool yahay ee uu awood u leeyahay in uu ku garab taagnaan doono, laakiin miyaanay kula ahayn in la gaadhay waqtigii aad adigu masuuliyadahaaga la wareegi lahayd. Macnuhu ma’aha in lagaa doonayo in aad maamusho ganacsiga iyo shaqada aabahaa qabto, sidoo kale ujeedadu ma’aha in markaba lagaa rabo in aad adigu la wareegto masuuliyaddii biilinta qoyska, laakiin waa in aad marka hore ugu yaraan isku daydaa in aad mushkiladaha qoyska u dhuun daloosho xal u raadintoodana qayb ka ahaato. Maanta ayaa aad weli dhowdahay ee naftaada ku tababar in kharashka ay isticmaalayso ee shakhsiga ahi uu noqdo mid caqli iyo xisaab ku socda, masuuliyadahaaga oo aad la wareegto waxa aad ka bilaabaysaa in aad marka hore yarayso ku tiirsanaanta dhinaca kharashka ee waalidkaa, oo aad ku dadaasho in marka aad waxbarashada dhammaysataba raadsato shaqo.

9. Cafiska ogow: Nacaybka, calool xumada iyo in aad aargoosi u oroddaa kama mid aha dabeecadaha lagu yaqaanno shakhsiga bisil. Qofka nolosha u bisili waa qof si tolmoon u fikiraya, awood u leh in uu cafiyo khaladaadka dadka ku xeeran kaga yimaadda, aqbalana raalli gelinta cidda ku gefta. Qofka nolosha u bisili waa ka aan ku fikirin aargoosiga, xumaantana aan xumaan kaga jawaabin, haddii aad dabeecaddaa baratana waxaa hubaal ah in aad noqonayso qof aan nafsi ahaan u xasiloonayn, markastana maskaxdiisu ku mashquulsan tahay aargoosi iyo arrimo caqabad ku noqonaya horusocodkiisa.

10. Ha noqon danayste: Ku dadaal in aad dadka gacan-qabato, khayr iyo samaanna u rajayso intii aad awooddo. Qofka oo naftiisa uun wanaag kasta la doonaa waxa ay astaan u tahay in uu yahay qof aan xasiloonayn, ammaan darro nafsi ahna dareemaya, waxa ay ka mid tahay dabeecadaha lagu yaqaanno dadka aan fikir ahaan bislayn.

Deeqsinimada iyo wax-bixintu kuka koobna dhinaca adduunka, balse waxaa jira wax bixin dareen ah oo aan la taaban karin oo ka badan tan la taaban karo. Adiga oo ku dadaala in aad farxad geliso dadka kugu xeeran ayaa ka mid ah deeqsinimada ugu habboon.

Ugu dambayntiina, waa in aad kala garato bisaylka iyo weji xidhnaanta, qofka bisili, ma’aha qof weji xidhan, mar kastana si aan kaftan ahayn wax u eega, balse waa qofka garanaya marka ay tahay in uu qoslo iyo cidda ay tahay in uu la qoslo, marka ay tahay in uu waqtigiisa ku raaxayso iyo marka ay tahay in kaftan iyo ilaaq uu dhinac iska dhigo. Qofka aan dhiman in habeen kasta cimri u kordhaa waa lama huraan, cidina waxba kala beddeli karto, laakiin in aad noloshaada ku raaxaysato, dhabta iyo dheeldheelkana isu miisaantaa waa doorasho qofka ka imanaysa oo ay tahay in ay ku dhisnaato maskax iyo awood uu qofku u yeesho qorshaynta, dad aad u yar ayuun baana sida ay tahay uga soo baxa. Dhammaad.