Wasiir Qorshaynta Somaliland Oo Sheegay In 90% Wax-Soo-Saarkii Beeraha Ee Sannadkan Ay Abaaruhu Baajiyeen

0
538

Picture4Hargeysa (Geeska) Wasiirka Qorshaynta Qaranka ee Somaliland Md. Sacad Cali Shire oo dhowaan u waramay wakaaladda wararka dalka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegay in abaaraha ba’an ee ku dhuftay deegaannada galbeedka Somaliland in uu dalku sannadkan ku waayey Boqolkiiba 90 wax-soo-saarkii beeraha.

Wasiirku waxa uu sheegay in xoolaha nooli ay boqolkiiba 28 ka yihiin wax-soo-saarka dhaqaale ee Somaliland, halka ay beeruhuna ka yihiin boqolkiiba 7 , laakiin sannadkan wax-soo-saarkan beeraha ay meesha ka saareen abaaro bi’iyey dalaggii laga filan lahaa kumannaan Higtaar oo dhul beereed ah.

Warbixin dheer oo ay wakaaladda Anadolu baahisay khamiistii ina dhaaftay ee 3dii Sebtembar 2015 ayaa ay ku sheegtay in masuuliyiinta Somaliland ay dunida u dirayaan qaylo-dhaan ay ku codsanayaan in la badbaadiyo nafaha dadka abaaruhu saameeyeen iyo waa ka hadhay xoolahooda. Waxa ay warbixintu sheegtay in deegaanno badan oo ah galbeedka Somaliland ay abaaruhu ka dhigeen dhul qallalan oo aan lagu noolaan karin, meelo badanna ay ka dhacday in dadkii reer guuraaga ahaa ay xoolahoodii cidlo kaga dhaqaaqeen kadib markii ay joogsadeen ee ay la geli kari waayeen geeddiga ay kaga hayaamayaan dhulka abaaruhu ka dhaceen ee baad iyo biyo beelay.

Wakaaladda Anadolu oo soo xiganaysa haayadda ka-hor-tagga masiibooyinka dabiiciga ah ee Somaliland ayaa sheegtay in sababta ugu weyn ee abaaruhu ay tahay roobab xilliyeedkii oo aan muddo saddex sano ah ka di’in deegaanno ka mid ah gobollada Awdal, Salal, Gabiley iyo Maroodi-jeex.

Warbixintan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa ay wakaaladdu soo xigatay dad ay xoolo badani kaga baxeen abaaraha iyo xaaladaha nololeed ee qallafsan ee ay ku noolyihiin. Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Somaliland SheekhKhaliil Cabdillaahi Muxammed oo isna wakaaladda Anadolu uga warramay abaaraha ayaa sheegay in qiyaas ah 250 kun oo qoys ay dhibaato ka soo gaadhay abaarahan. “Gobolladaas ay abaaruhu ka dhaceen, oo dadka deggeni ay ku noolaayeen beeraha iyo xoolo dhaqashada, saddexdii sano ee u dambeeyey roobabka ayaa aad ugu yaraa, arrintaas ayaana xaaladda bani’aadamnimo  ee dhulkaas sii xumaysay” ayaa uu yidhi Wasiir Sheekh Khaliil. Isaga oo intaas ku sii daray in dooxyadii durdurka ahaa ay ingageen ceelashiina gudheen, taasina ay sabab u noqotay in ay dhintaan xoolo ka badan 13 kun oo madax oo adhi, lo’ iyo geelba isugu jira. Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Somaliland waxa uu haayadaha arrimaha bani’aadamnida ka shaqeeya iyo ururrada ay khusayso ugu baaqay in ay maqlaan qaylo-dhaanta Somaliland, si dhaqso ahna dadka dhibaatadu soo gaadhay gargaar ula soo gaadhaan, isaga oo dhinaca kalana dadka Soomaaliyeed oo dhan ugu baaqay in ay gacan caawimo u fidiyaan walaalahooda abaaruhu dhibaatada gaadhsiiyeen.

Wakaaladda Anadolu waxa ay sheegtay in Guddi xaqiiqo-raadis oo isugu jirta Waaxda Isku-xidhka hawlaha bani’aadamnimada ee ururka Iskaashiga Islaamka iyo Xafiis-goboleedka Ol’olaha Wadaniga ah ee Sucuudiga iyo sidoo kale tiro haayado Islaamiya ah oo ka shaqeeya arrimaha bani’aadamnimadu ay Somaliland u yimaaddeen in ay qiimeeyaan xaddiga ay dhibaatadu le’eg tahay, si ay u bilaabaan hawlaha gargaar ee la xidhiidha abaaraha.  Agaasimaha xafiiska Isku-duwidda  hawlaha bani’aadamnimo ee ururka Iskaashiga Islaamka Maxamed Iidle Sabriye oo isna la hadlay wakaaladda Anadolu ayaa yidhi, “Annaga oo ka jawaabayna baaqa maamulka Somaliland ayaa aanu tagnay deegaannadaas, waxa aananu soo aragnay xaddiga ay le’eg tahay dhibaatada bani’aadamnimo, waxaana meelo badan daadsan raqda xoolaha ku bakhtiyey abaaraha” Iidle waxa uu intaas ku daray in dadka deegaannadaasi ay u baahan yihiin in lala gaadho caawimo inta aanu xaalkoodu sii xumaan.

Wakaaladdu waxa ay sheegtay in masuuliyiinta Somaliland ay u sheegeen in caawimooyin bani’aadamnimo oo degdeg ah la gaadhsiiyey in ka badan 4500 oo qoys oo ka mid ah 250 kun oo abaaruhu ay dhibaateeyeen. Si kastaba ha ahaato ee wakaaladda Anadolu waxa ay warbixinteedan ku soo gabagabaysay in aanay jirin tirokoobyo rasmi ah oo sheegi kara tirada dadka dhab ahaan u dhintay sababo la xidhiidha abaarahan ka jira galbeedka Somaliland.