Laba Nin Oo Helay Tareen Uu Ku Rarnaa Dahab Ay Lahayd Dawladdii Hitler Ayaa Dalbaday In Wax Laga Siiyo

0
518

Warsaw (Geeska)- Dalka Poland waxaa laga lehay tareen uu ku raran yahay dahab ay lahayd dawladdii Adolf Hitler ee dalka Jarmalka. Idaacadda BBC oo so oxiganaysay warbaahinta dalka Poland ayaa sheegtay in tareenkan dahabka sida la waayey sannadkii 1945kii markii ciidamadii Midowga Soofiyati ay weerarka ku qaadeen dalka Poland si ay uga qabsadaan ciidamadii Jarmalka oo iyagu markaa ka hor dalkan la wareegay.

Warku waxa uu intaas ku daray in taraankan ay imika heleen laba nin oo u dhashay dalka Poland kadibna ay maxkamadda dalkaas ka codsadeen in hantidaas aanay dawladdu si toos ah ula wada wareegin ee loo ogolaado in labadooda helay boqolkiiba 10 dahabkan laga siiyo.

Taraankan oo la sheegay in uu waqtigaas dagaalka ku lumay deegaan miyi ah oo ku dhow magaalada Wroc?aw  ee dalka Poland ayaa tan iyo dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka muran xoog badan iyo doodo xiise leh ka dhex abuuray taariikhyahannada warkiisa la socday, waxaana jiray warar sheegayey in taareenkani ku aasan yahay god sir ah oo si badheedh ah ay dawladdii Naasigu ugu qarisay, laakiin baadhis dheer kadib waxba lama helin.