Wasiirka Warshadaha Oo Furay Aqoon Isweydaarsi Ku Saabsan Wershadaha Iyo Shirkadaha

0
535

Picture1Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur ayaa furay aqoon isweydaarsi iyo Kulan lagu dhiirigalinayo Shirkadaha wax soo saarka, Warshadlayda iyo Banaanka dalka oo ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Warshadaha.

Aqoon isweydaarsigan oo si rasmiya Shalay uga furmay Imperial Hotel, ayaa waxa ka soo qeyb galay Munaasibadii furitaanka Wasiirka Warshadaha Abiibi Diiriye Nuur, Agaasimaha Wasaaaradda Warshadaha Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Guray), Masuuliyiin ka kala socday Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Qorsheynta, Madax iyo Masuuliyiin ka kala socday Shirkadaha iyo Warshadaha dalka.

Wasiirka Wasaaradda Warshadaha  Abiib Diiriye Nuur oo isagu furitaankii aqoon isweydaarisgaas  Khudbad ka jeediyey ayaa si  ka waramay Ujeedada Aqoon isweydaarsigan, waxaanu ka war bixiyey Aqoon isweydaarisiyo hore oo ay sidan oo kale ugu qabteen Shirkadaha iyo Warshadaha dalka, waxaanu xusay in iyada oo Wasaaraddani ay tahay Wasaarad cusub, haddana dadaal iyo xilkasnimo dheeraad ah sameeyeen, waxaanu sheegay inay jiraan Warshado ku yaala meelo iyo deegaano aanay ku haboonayn oo deegaan ahaan iyo dhul ahaanba khatar keenay, oo ay dhawaana talaabo ka qaadi doonaan Warshahaas.

 Agaasimaha Wasaaaradda Warshadaha Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Guray), oo isna munaasibadaas ka hadlay  ayaa si xeel dheer uga hadlay qiimaha iyo aqoonta uu aqoon isweydaarsigani u leeyahay ka qeyb galayaasha, waxaanu ugu baaqay inay waxa ay barteen ku dabaqaan hawlahooda shaqo.

Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Masuuliyiin ka kala socday Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka, waxayna xuseen doorka ay ka qaataan in dalku Warshado iyo Shirkado yeeshaan.