Si Ay Hoyadeed U Badbaadiso Ayey Ogolaatay In Jidhkeeda Lagu Mudo Coronavirus Tijaabo Ah

0
765

Intii uu sida xun u faafay Fayraska Karoona waxaa si xawli ah shaybaadhada waaweyn ee adduunka uga socday, dadaallo ay saynisyahannadu ku doonayaan in ay abuuraan tallaal ku habboon ka hortagga iyo la dagaalanka cudurkan ‘Covid-19’ ee sida dabaysha dacallada dunida ugu sii faafaya.

Sida la ogyahay mar kasta oo dawo iyo tallaal la sameeyo waxa ay xeeldheereyaasha kimistariu u baahdaan dad naftood hurayaal ah oo diyaar u ah in iyaga lagu tijaabiyo dawadaas, si loo hubiyo waxtarkeeda, looguna fasaxo suuqyada.

Mid ka mid ah xarumahan iskudayga samaynta tallaaka karoona wada, waa machadka Cilmibaadhista ee Washington. Dhowaan ayaa uu faafiyey ogeysiis uu ku dalbanayo cid diyaar u ah in tijaabadaas lagu sameeyo, waxaana si dhaqso ah uga soo jawaabtay gabadh 43 sano jir ah oo lagu magacaabo Jennifer Haller. Waxa ay madaxa hawlgelinta ka tahay mid ka mid ah shirkadaha yaryar ee teknoolajiyada.

Jennifer Haller waa hooyo dhashay laba dhalinyaro ah, oo sida ay sheegtay aad u soo dhoweeyey in hooyadood ay ku tabarucday in tijaabadan iyada nafteeda lagu sameeyo, iyaga oo ku tilmaamay arrin wacan, sida ay ku warrantay shabakadda wararka ee SBS oo dalka Maraykanka laga leeyahay. Gabadhan Fayraskani kuma uu dhicin iyada, laakiin haddana waxa ay ogolaatay in ay tijaabada tallaalkiisa iyadu gasho oo inta xanuunka lagu beero la hubiyo sida ay dawadu u dilayso.

Xaaladdan aragagaxa ah ee adduunka maantu kaga jiro Karoona-Fayras, in qof ku tabaruco tallaalka xanuunkani waa arrin aad u yaab badan, waxa kale oo ka sii yaab badan in sida inta badan dhacda, aanay gabadhani arrintan lacag raadis u gelin.

Tijaabooyinka tallaalka ee lagu sameeyey Jennifer Haller waxa ay socon doonaan 14 illaa 18 bilood oo soo socda, kuwaas oo u qaybsamaya marxalado kala duwan, oo dawo siin iyo shaybaadhis isugu jira. Jennifer Haller oo ka jawaabaysay su’aasha dad badani is weydiinayaan ee ah inta uu leeg yahay adduunka lacageed ee ay tijaabadan dhaafsatay ayaa sheegtay in ujeedkeedu aanu lacag ahayn, balse waxa ugu weyn ee qalbigeeda ku mudani uu yahay warwarka ay qabto in xanuunkan oo sii fidaa uu khatar gelin karo caafimaadka hooyadeed oo 70 sano jir ah, iyo oday ay wada joogaan oo ah 85 sano jir qaba xanuunka xiiqda.

Jennifer Haller waxa ay hoosta ka xariiqday dhibaatada ay qabaan dadka danyarta ah ama aan awoodin is daweynta qaaliga ah ee dalka Maraykanka, kuwaas oo aan awoodi Karin in ay la tacaalaan xanuunkan Covid-19. Xanuunku dadka danyarta ah khatarta caafimaad oo keliya kuma hayo, balse waxa kale oo uu burburinayaa dhaqaalahooda, maadaama oo dalabka iibka ee kor u kacay uu sababayo qiimo korodh iyo in alaabooyin muhiim ah laga dhammaysto suuqyada. Waxa kale oo jirta cabsi ay dadka fuqaradu ka qabaan shaqo ka eriga oo ku sii badanayaa, maadaama oo aanay shaqooyinkoodu ahayn kuwo ay qandaraasyo muddo dheer ah kula jireen, balse muddo gaaban ahayd. Isla markaana karantiinka guriga lagu nageeyey dadku uu keenay in ay shaqayn waayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here