Masuuliyiin Ka Mid Ah WADDANI Oo Baaq U Diray Xukuumadda Iyo Ganacsatada Dalka

0
557

Hargeysa (Geeska) – Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa baaq u diray Xukuumadda, waxayna ugu baaqeen inay wax ka qabato meecashada qaaliga ah, iyagoo sidoo kale Ganacstada iyo Bulshada baaqyo kala duwan u diray.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac iyo Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Waddani Jaamac Xaamud oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac oo ka hadlaya xanuunkan dunida ku faafaya iyo maceeshada qaaliga noqotay ayaa yidhi “Waa dhab in xanuunkan coronavirus uu ku dhacay dad badan oo dunida ku nool, isla-markaana uu gaadhay qaaradaha kala duwan ee Adduunka, ee inaga ALLE ha inaga badbaadiyo, kolay dhaqaalihii dunida saamayn weyn ayuu ku yeeshay xanuunkani, waxaanse anigu soo jeedin lahaa oo aan Xukuumadda ugu baaqayaa inay wax ka qabato maceeshadan qaaliga noqotay, ta kale Ganacstada laftooda waxaan leeyahay dadkiina u naxa oo ka daaya maceeshaddan aad qaaliga kaga dhigteen”.

Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Waddani Jamaac Jaamac Xaamud oo isna arintan ka hadlaya ayaa yidhi “Xanuunka iyo Caafimaadkaba ILLAAHAY ayaa keena, qof walbana halka uu ku dhimanayo iyo qaabka uu u dhimanayo waa wax uu ILLAAHAY sii qoray, inaguna waxaynu nahay dad islaam ah, ee ILLAAHAY ha inaga hayo xanuunada iyo masiibooyinka, wacyigelintu way wanaagsan tahay, in dadka wax loo sheego oo loo digaana wey wanaagsan tahay, laakiin in goobihii masaajidada ee cibaadada ILLAAHAY loogu tagalay in umadda sas laga qaadsiiyo ma haboona, mana qurux badna, ta kale haddii uu coronavirus caalamkii uu sida ugu dhakhsaha badan ugu faafayo, maaha in Ganacsatadeenu isku daydo inay ka faa’iidaysato, oo ay maceeshada sii laba jibaarto, oo qaali umadda dan yarta ah ka dhigto, ee Xukuumaddu arintan hoos ha u eegto, oo wax ha ka qabato”.

Xoghaye ku-xigeenka Xisbiga Waddani Jaamac Xaamud ayaa dhanka kale wuxuu ka hadlay gogol nabadeed oo la dhigayo Ceerigaabo, oo loogu qabanayo Beelihii isku dilay Deegaanka Shidan, waxaanu soo dhaweeyey gogoshaas nabadeed, isagoo ugu baaqay beelahana inay mar walba walaaltinimadooda ilaaliyaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here