Talooyin Muhiim U Ah Bedelaadda Saliidda Iyo Hawo Sifyeehaha (Qashaafadda) Gaadhiga

0
806
replacing the air filter, car repair

Waxaa jira hawlo ay waajib tahay in darawal kastaa uu ku xisaabtamo, si uu ua taxaddaro in aadhigiisu uu si kedis ah u caddilmo. Cilladahan ayaa ah kuwo ay fiican tahay in darawalku uu isagu barto si uu uga maarmo in uu cillad sidaa u fudud ula tao geerash waqti iyo kharashba ka lumiya. Waxaa iyaduan muhiim ah in darawalku uu barto qaybaha aasaasiga ah ee gaadhigu uu ka kooban yahay. Waxaa ka mid ah, mishiinka iyo qaybihiisa fudud, sida baytariga, hawo sifeeyaha (Qashaafadda / Filtarka), taangiga saliidda mishiinka, haamaha yaryar ee saliidda kala duwan, barashada sida loo furo iyo sida loola macaamilo.

Saliidda Mishiinka

Waxaa waajib ah in maalin kasta aynu hubinno heerka saliidda mishiinka ee gaadhiga, gaar ahaan habeenkii kaddib marka aynu subaxnimada kaxaynayno, waxa kale oo muhiim ah in bil kasta aynu ka beddelno ama ugu yaraan nadaafaddeeda hubinno.

Saliidda mishiinku lagama maarmaan ayaa ay u tahay mishiinka, waxa aanay wanaajisa wareegga gaadhiga, iyada oo sida oo kalana biraha mishiinka ka ilaalisa is liska.

Waxaa xusid mudan, mar kasta oo aad mishiinka hawl ka qabanayso in aad iska hubiso in uu qabow yahay. Markaa kaddib waxa aad soo saaraysaa usha qiyaasta saliidda mishiinka. Haddii saliiddu ay weli khafiif tahay, midabkeeduna aanu aad isu beddelin, isla markaana aanad ka ururin ur baatrool ama naafto hadba waxa uu gaadhigu ku shaqeeyo, waxa aad ogaataa in heerka saliidda gaadhigaagu uu weli fiican yahay oo aanad u baahnayn in aad u warwarto mishiinka. Haddii se aad ku aragto isbeddel midabka ku yimi ama culays iyo rasiin, ama aad ka uriso ur shidaal, waxa aad ogaataa in ay waajib tahay in aad dhaqso ugula tagto makaani hubiya cilladda jirta.

Haddii gaadhiaagu uu muddo shaqaynayey oo tusaale ahaan ay saacadda qiyaasta kiiloomitirku ka badan tahay 100 kun, waxaa waajib ah in aad saliidda gaadhiga si isu dhowdhow u hubiso.

Hawo sifeeyaha (Qashaafadda)

Markasta oo uu gaadhigu socdo 50 kun oo kiiloomitir waa in la beddelo hawo siyfeeyaha (Filterka hawada), ama sannadkiiba hal mar la beddelo. Habka loo beddelayaa aad ayaa ay u fududahay, adiga oo aan u baahan makaani ayaad soo iibsan kartaa noociisa, kaddiban inta aad ka hore iska tuurto aad ka cusub gelin kartaa. Waa hawlaha fudud ee ay tahay in qofkasta oo gaadhi wadayaa uu barto.

Hawo sifeeyaha ama Filtarku ma’aha kan saliidda oo isaga aynu beddelayno mar kasta oo gaadhiga saliid laga beddelayo, cidda beddeli kartaana ay inta badan tahay farsamoyaqaanka saliidda gaadhiga beddelaya. Laakiin waa filterka hawada ama shaandhada Soomaali ahaan Qashaafadda lagu magacaabo.

Beddelaadda hawo-sfiyeeyuhu waxa ay ku fiican tahay mishiinka ayaa ay ka ilaalisaa ciidda iyo iyo dhaska / boodhka oo ay suurtagal tahay in uu sii daayo ama sidii la rabay u wada reebi waayo, marka uu muddo gaadhia ku xidhnaado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here