Si Aan Lagaaga Xadin Lacagta Ku Jirta Shandaddaada Jeebku Haddii ay Lunto, Waxaad Ku Riddaa Sawir Ilmo Yar

0
554

Picture9

London (Geeska)- Cilmibaadhis ay sameeyeen aqoonyaahano cilmi nafsiga ku xeel dheer oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa ay ku ogaadeen in qofka oo eega sawir ilmo yar oo naas-nuug ahi ay saamayn ku yeelato shucuurta qofka. Waxa ay cilmi baadhayaashani sheegeen, sawirka ilmo yar oo uu qofku eegaa in ay ku beerayso dareen aaminnimo iyo daacadnimo oo ka badan ka hore ugu jiray.

Khubarada daraasaddan samaysay iyaga oo duulaya daraasaddan cilmiga ah natiijadeeda waxa ay ku kaftameen in qof kastaa uu shandad-jeebkiisa lacagta in uu ku rido sawirka ilmo aad u yar, waayo waxa ay sheegeen khubaradu intii ay wadeen daraasaddan tijaabooyinkeeda inay ogaadeen dadku marka ay helaan shandada jeebka oo ay ku jirto lacag isla markaana uu ku jiro sawir ilmo yar oo isla marka shandada la kala furo ishu ku dhacayso in ay noqdeen kuwo u baydhay dhinaca daacadnimada si dhaqso ahna u yaboohiyey shandadda ay heleen.

Waxa ay cilmibaadhayaashu sheegeen in 240 shandad jeeb oo lacagi ku jirto ay si filqan meelo kala duwan ugu tureen, 40 ka mid ah shandadahaas la tuuray waxaa ku jiray sawirrada carruur yaryar.

Arrinta yaabka leh ee dhacday waa in dhammaan shandadihii aan sawirradu ku jirin la qaatay halka 35 ka mid ah kuwii sawirka carruurtu ku jiray laga soo celiyey. Aqoonyahannadu waxa ay arrintan ku macneeyeen in sawirka ilmaha yar oo dabcan mar kaba la dareemayo berinimadiisu uu saamayn ku yeesho fikirka iyo nafsiyadda qofka