Xuddun U Jaridda Ilmaha Dhashay Oo Hal Daqiiqo Dib Loo Dhigo Waxa Uu Ilmuhu Ku Helaa Dhiig Dheeraad Ah

0
550

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhis caafimaad oo cusub ayaa xustay in kala badh tirada guud ee carruurta dunida kala dhalata xuddunta loo jaro iyada oo dhalashadooda ay 10 daqiiqo oo keliyi ka soo wareegeen, laakiin hadda ay bilaabatay in hooyooyin badani ay dalbadaanin ugu yaraan 1 daqiiqo oo keliya loo kaadiyo jaridda xuddunta, kadib markii ay fahmeen in ay sidaas dani ugu jirto ilmaha. 

Waxaa caddaatay in ilmaha oo dhalashadiisa kadib fursad u hela in xudduntu ay hal-daqiiqo oo keliya ugu sii xidhiidhsanaato hooyadii ay u suurtogelinayso in uu dhiig dheeraad ah oo uu hooyadii ka helayaa uu jidhkiisagalo. Taasina waxa ay kor u qaadaysaa heerka xadiidka dhiigga ilmaha yar, iyo in uu kor u kaco heerka unugyada dhiiggiisa dhiigga cas. Sidaa waxaa lagu caddeeyey warbixin ay faafisay haayadda Qaramada Midoobey u qaabilsan caafimaad adduunka.

Sidaa awgeed  waxa ay daraasaddani ku talinaysaa in ilmuhu marka uu dhasho aan isla markaba laga jarin xuddunta hooyadii oo ay fiican tahay in la sugo hal illaa saddex daqiiq. Daraasaddan waxa kale oo ay khubaradu ku ogaadeen in miisaanka ilmuhu uu si fiican u kordho haddii xuddunta jariddeeda waqtigaas yar ee aynu kor ku xusnay lagu daaho, waayo waxa uu hooyadii ka helay xaddi dhiigah oo ka badan inta uu helayo marka dhaqso xuddunta loo jaro.

Digniin: Mararka qaarkood waxaa dhacda in xuddunta goynteeda oo muddo dib loo dhigaa ay khatar ku keento caafimaadka hooyada, sidaa awgeed go’aanka dib u dhigista iyo dedejinta xudduntu waxa uu ku xidhan yahay dhakhtarka xaaladda hooyada gacanta ku haya.