Cabdillaahi Jawaan Oo Bogaadiyay Heshiiska Codanle Lagu Saxeexay

0
551

Picture1Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar(Jawana) ayaa hambalyo u diray heshiiska ay beelaha Bariga Burco iyo Buuhoodle dhawaan ku kala saxeexdeen shirkii uga socday deegaanka Coodanle. Heshiiska nabadeed ee ay labadan beelood kala saxeexdeen oo ka koobnaa toban qodob, ayaa wuxuu Cabdillaahi ku baaqay in la fuliyo, “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa labada beelood ee walaalaha ah ee heshiiska nabadeed kala saxeexday.” Ayuu yidhi siyaasigan oo xalay la soo xidhiidhay Geeska Afrika, waxaanu intaas raaciyay, “Waa heshiis nabadeed oo ay beelaha walaalaha ahi kala saxeexdeen, hambalyo ka dibna waxaan ku baaqayaa oo aan soo jeedinayaa in la fuliyo, waana heshiis loo baahnaa, Allena waxaan ka baryayaa inuu barakeeyo oo uu ka dhigo mid waara.”