Madaxweyne Maraykan Ah Oo Xukunkiisu Ahaa 32 Maalmood, Oo Uu U Jiifay Xanuun Uu Ka Qaaday Xafladdii Caleemo Saarkiisa

0
741

1Washington (Geeska)- Bishii Maaris ee sannadkii 1841kii ayaa si rasmi ah dalka Maaykaka loogaga dhawaaqay madaxweynihii Sagaalaad ee talada qabta oo ahaa William Henry Harrison da’diisuna markaas ay ahayd 68 sano jir. Sidii caadada ahayd madaxweyne Harrison waxaalagu soo gelbiyey faraskii Caddaa ee keenayey Pynnselvenia oo lagu qabanayey xafladda caleemo saarka oo ay ka soo qaybgaleen dad kabadan 50 oo qof, tiradaas oo lagu sheegay in ay ahayd tiradii ugu badnayd ee xaflad caleemo saar madaxweyne Maaykan ah ka soo qayb gasha marka laga reebo caleemo saarka madaxweynihii aasaasaha qaranka loo aqoonsaday ee George Washington, laakiin madaxweynaha cusubi ma’u uu ogeyn in geeddiga xukunkiisa uu soo gaabin doono geeddiga noloshiisa oo inta xukunkiisu yahay ka yaraa.

Warbixin arrintan la xidhiidha oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa sheegaysa in madaxweyne Harrison uu talada Maraykanka hayey 32 maalmood oo keliya, ka hor intii aanu geeriyoon, wargeyska Desert News ayaa warbixin uu arrintaas ka qoray yidhi, “Khudbaddii caleemo saarka ee madaxweyne Harrison waxa ay socotay saacad iyo 40 daqiiqo oo ay isaga iyo dadkuba dhex taagnaayeen roobab da’ayey iyo qabowgaoo aad u darnaa, madaxweyne Harrison waxa uu diiday in uu madaxa saarto koofiyad iyo in uu koodh weyn oo dhaxanta ka celiya xidho labadaba” Waxa se’ markiiba laga dareemayey daal aad u badan. Harrison caleemo-saarka kadib waxa uu yimid Guiga Cad, laakiin markiiba xaalad caafimaad darro ayaa ku bilaabatay oo xitaa waxa uu awoodi kari waayey in uu u mahadnaqo martidii tirada badnayd ee Guriga Cad ku sii sugaysay si ay ugu hambalyeeyaan, ama uga qayb galaan xafladaha damaashaadka guusha madaxweynaha cusub ee habeenkan oo kale dhaca.

Wargeyska Desert News oo soo xiganaya taariikhyahanka Maraykan ee lagu magacaabo Daniel Walker Hau oo xilliyadaa Harrison noolaa ayaa sheegay in isla markii uu madaxweynuhu Guriga Cad yimid lagu arkay wawx loo maleeyey in qabowgii badnaa dhaxani gashay, laakiin muddo gaaban kadib waxa ay isu beddeshay caabuq sambabada ah oo aad u darnaa, dawooyinkii loo sameeyey oo dhamina ma’ay guulaysan, dhakhaatiir ayaa laga soo ururiyey daafaha Maraykanka oo dhan, si loo badbaadiyo, sidoo kale waxaa la isticmaalay dawo-dhaqameed ay keeneen khubaro Hindida asal ahaan dhulka loogu yimid ah, waxaa ka mid ahaa masas nool, laakiin taasina may guulaysan, saddex toddobaad oo keliya markii uu aqalka Cad ku jirayna waxa uu gaadhay xaalad sakaarad ah, 32 maalmood kadib caleemo-saarkiisiina waa uu geeriyooday, sidaa awgeed waxa ay taariikhdu u aqoonsatay madaxweynihii illaa hadda ugu waqtiga yaraa ee soo maray Maraykaka.

Harrison oo dhashay sannadkii 1773kii, waxa uu ka soo jeeday xisbiga Jamhuuriga, waxa aanu Guiga Cad ee Maraykanka joogay bil u dhexeysay 4 Maaris 1841ii oo uu xilka qabtay iyo illaa 4 Abriil ee isla sannadka, waa 32 maalmood oo uu dhammaantood bukaan jiif sakaraad u badan ahaa.