Shirkii Muranku Ka Taagnaa Ee KULMIYE Oo Shalay Baaqday Iyo Jaamac Shabeel Oo Ka Hadlay Sababta Uu U Qabsoomi Waayay

0
741

 

BIIIIIXIHargeysa(Geeska)-Shir uu dhawaan cayimay guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE Xildhibaan Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel), ayaan qabsoomin.

Cayimaada shirkan oo muran iyo dood ka dhex abuuray hoggaanka xisbiga iyo guddoomiyaha golaha dhexe, ayaa wakhtigii uu iclaamiyay inuu qabsoomi doonaa waxa ay ku beegnayd maalintii shalay. Guddoomiyaha golaha dhexe Xildhibaan Jaamac Shabee, ayaa Geeska Afrika uga waramay sababta shirkaas baajisay, “Waxa jiray oo baajiyay guddigii waxay yidhaahdeen horta aanu hawsha ka bilowno xalinta khilaaf ka dhashay shirkaas iyagoo ka duulaya oo leh yaynaan shirka isugu iman inagoo is khilaafsan aniguna waan aqbalay.” Ayuu yidhi Jaamac Shabeel, waxaanu intaas raaciyay, “Dhinaca kale Madaxweynuhu habeen hore kulan ayuu noo qabtay, halkaana waxa lagu go’aansaday aynu sugno guddoomiyaha xisbiga oo maanta imanaya, Madaxweynuhu isagaa hadda arrinta oday ka ah oo gacanta ku haya kulan loo wada dhanyahay ayaana loo balamay in la isugu yimaado marka uu guddoomiyuhu soo noqdo, arrintuna ugu dambayn sharciyada ayuun bay ku dambaynaysaa.”

 

Dhinaca kale guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, oo socdaal ugu maqan dalka Itoobiya ayaa la filayaa inuu maanta dalka ku soo guryo noqdo. Muuse Biixi ayaa hore guddoomiyaha golaha dhexe ugu gacan saydhay qabashada shirkan iyo cayimaadiisaba, waxaanu sheegay inaanay waxba ka soconayn, maadaama oo sida uu ku dooday aanay hoggaanka xisbigu ogayn.