Ban Ki Moon Oo Guclo Iyo Orod Ugu Jira In Mar Labaad Loo Doorto Xilka Uu Hayo

0
1035

 

Picture2Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon oo ayaa guclo iyo orod ugu jira sidii mar labaad loogu dooran lahaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Xilkiisa ayaa ku eeg 31-ka bisha December ee sannadkan, waxaanu shalay si rasmi ah magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay ugaga dhawaaqay ololihiisa uu ku doonayo inuu xilkaas qabto. Wuxuu waraaqo codsi ah u diray 192-ka dal ee ka tirsan Qaramada Midoobay iyo guddoomiyaha 15-ka dale e golaha ammaanka, oo uu ka dalbaday inay ku taageeraan doonistiisa xilkan,  waxaanu Mr. Ban oo ahaan jiray wasiirkii hore ee khaarajiga Koonfurta Kuuriya uu xilkan qabtay sannadkii 2007.

Ban Ki Moon, wuxuu ku doodayaa inay Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanka oo is kaashanayaa mudadii uu xilka hayay ay guulo ka soo hooyeen dhibaatoyin badan oo dunida ah oo xal loo helay, sidaas daraadeedna uu haysto waxyaabo mar labaad loogu dooran doono xilkan.