Qiso Xiiso Badan: Daayeer Hargeysa Ku Qaniinay Nin Tuugo Ku Xantay

0
1193

 

Picture1Hargeysa(Geeska)-Daayeer coofaadh ah oo ku nool badhtamaah suuqa Hargeysa ayaa faro baas ku haya bulshada, waxaanu ku qaadaa weeraro kala duwan oo aanay iska ogayn.

Coofaadhkan oo leh ciddiyo iyo miciyo dhaadheer, waxa uu hore dagaal ugu hayay haweenka khudaarta ku iibiya suuqyada Hargeysa oo uu si cad uga boobo waxyaabaha ay iibinayaan. Hase yeeshe muddooyinkan dambe wuxuu ku darsaday inuu alaabta boobo o uu dabadeed burbriyo amaba meel aan la arkayn ku tuuro. Intaas waxa dheer wuxuu la soo baxay inuu dhaawacyo gaadhsiiyo qaar ka mid ah bulshada.

Mr. Nuur Maxamed Axmed oo 41 jir ah, wuxuu ka mid yahay bulshada Hargeysa, isagoo u dhutinaya dhaawac uu daayeerkaas coofaadhka ahi gaadhsiiyay ayuu nagu soo booqday xarunta Wargeyska Geeska Afrika ee magaalada Hargeysa. Nuur wuxuu sheegay inuu coofaadhkaasi lugta midig hoosteeda ka qaniinay. “Anigoo maraya meel uu fadhiyay ayaan arkay kamarad uu sitay, dabadeedna hoos ayaan u idhi taloow miyuu soo xaday. Markii aan wax yar ka sii socday ayuu iga daba yimid sidii oo uu xantayda maqlay, waxaanu iga qaniinay boqonta oo uu afar miciyood igaga qabtay.” Ayuu yidhi Nuur, oo u waramayay Wargeyska Geeska Afrika, isagoo uu ka muuqday dhaawicii u daayeerkaasi gaadhsiiyay. Waxa kale oo iyaguna jira warar sheegaya in dadka uu dhaawacyada gaadhsiiyay ay badanyihiin, Mr. Nuur wuxuu bulshada ugu baaqay inay ka digtoonaadaan daayeerkaas  halista badan. Haweenay da’ ah ayaa la sheegay inuu gacanta ka jebiyay, guryo furan ayaa lagu waramay inuu galay oo uu dadkii joogay baacsaday, alaabna ka jejebiyay.

Hay’adaha ammaanka ee dalka iyo kuwa caafimaadka, waxa uu xil ka saaranyahay inay coofaadhkaas bulshada dhibaatada ku haya ka qabtaan caasimadda Hargeysa, haddii kalena dhibkiisu intaas kuma koobnaan doono.