Shirkadda Facebook Oo Diyaarisay Hab Barnaamijkeeda Instegram Wax La Isugu Diri Karo Internet La’aan

0
553

Washington (Geeska)- Shirkadda Facebook ayaa bilowday nidaam sawirrada la isugu diri karo barnaamijkeeda Instagram ka loo yaqaanno iyada oo aan internet loo baanayn. Curinta adeeggan cusub ayaa ay shirkaddu kaga dhawaaqday kulan ay lahaayeen xeeldheerayaasha sameeya barnamaajyada, laakiin waxa ay sheegtay in hadda ay isticmaali kari doonaan oo keliya dadka adeegsada talefannada ku shaqeeya barnaamijka Android, iyada oo dibna looga furi doono dadka isticmaala iOS ka.

Adeeggan ayaa durba loo sii daayey tiro ka mid ah macaamiisha barnaamijka Istagram ee daafaha dunida ku nool, dhinaca kalana injineer ka tirsan shirkadda Facebook oo faahfaahin ka bixiyey sababta ay adeeggoodan wejigiisa koowaad ugu koobeen barnamaijka Android ayaa sheegay in android uu yahay barnaamijka ay ugu isticmaalka badan yihiin dadka dunida saddexaad, iyada oo boqolkiiba 80 ka mid ah dadka tiradoodu gaadhayso 6 boqol ee Malyuun ee qof ee isticmaala barnamaijka Instagram ay ku noolyihiin dalalka uu xawaaraha internet koodu hooseeyo ama awooddiisu liidato. Sidaa awgeedna ay u doorbideen in ay kuwaas ku tijaabiyaan barnamaijkan.

Waxa uu Injineerku sheegay in barnaamijkan ay dadku sawirrada isugu diri karaan iyaga oo aan isticmaalayn internet isla markaana meelo kala durugsan jooga.

Waxaa xusid mudan in Instagram aanay ahayn shirkadda keliya ee dunida maanta ku hawlan dhismaha barnaamijyo suurtogelinaya in la isticmaali karo internet ka la’aantiisa, waxaa iyaguna hore qorshayaal noocan ah ama ku dhow ugu dhawaaqay ama sameeyey barnaamijyo isticmaalkoodu u baahan yahay internet awood yar, shirkadaha Facebook, Twitter, Google iyo shirkado kale oo ah kuwa bixiya adeegga xidhiidhka bulshada.