Dumarka Uurka Leh Oo Looga Digay In Isticmaalka Talefanku Uu Khatar Ku Yahay Caafimaadka Uurjiifka

0
846

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in carruurta xilligii ay uurka ku jireen ay hooyooyinkood aad u isticmaali jireen taelfanka gacanta lagu arko qalqaalinnimo iyo dhaqdhaqaaq aad uga badan kuwa la midka ah ee hooyooyinkood aanay aad u isticmaali jirin talefanka gacanta, laakiin taas macnaheedu ma’aha in hooyada uurka lihi ay gebi ahaanba iska joojiso isticmaalka talefanka gacanta. Dhinaca kalana waxa ay khubaradu sheegeen in natiijadani aanay kama dambays ahayn oo loo baahan yahay in baadhitaanno dheeraad ah lagu sameeyo saamayntan iyo weliba sababteeda cilmiga ah.

Laura Perk oo ka mid ahayd xeeldheerayaasha cilmibaadhista sameeyey ayaa mar ay la hadashay wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay sheegtay in baadhis ay iyada iyo cilmibaadhayaal la jaal ahaa ku sameeyeen warbixinaha caafimaad ee 80 kun oo hooyo iyo ilme oo ku nool dalalka Denmark, Spain, Norway, Holland iyo Korea ay ku ogaadeen caddaymo muujinaya in isticmaalka badan ee talefanka gacantu uu ilmaha caloosha ku jira ku keeno dhibaato dhinaca anshaxa iyo hab-dhaqanka ah, gaar ahaan dhaqdhaqaaq badan oo lagu arko marka ay da’doodu gaadho shan illaa toddoba sano.

Waxa ay Perks sheegtay in hooyooyinka talefanka gacanta isitcmaala ugu yaraan afar jeer maalintii, ama haddii si kale loo dhiga celcelis ahaan hal saac ku hadla maalin kasta in cabsida ah in ilmuhu uu qalqaali noqdaa ay boqolkiiba 28 ka badan tahay hooyada xilliga uurka talefanka isticmaashay waqti intaas ka yar.

Dhakhaatiirta carruurta ee dalka Maraykanka ayaa iyagu horeba u soo saaray talooyin ay hooyada uurka leh ugu sheegayaan in ay ka fogaato isticmaala badan ee talefanka.