Obama Waxa Uu Jeclaa Gabadh Caddaan Ah Oo Uu Laba Jeer Guurkeeda Isku Dayey Laakiin Diidday

0
659

Washington (Geeska)- Xiddiga caanka ah ee Maraykan David Garo ayaa sheegay in madaxweynihii hore ee Maraykanka Barak Obama uu xaaskiisa hadda ee Michelle horteed doonayey in uu gurusado gabadh caddaan ah oo uu jeclaa.

Garo oo la hadlay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa yidhi, “Obama laba jeer ayaa uu doonay caddaan ah oo uu jeclaa” ayaa uu yidhi Garo. Isaga oo intaas ku daray in gabadhan oo lagu magacaabo Sheila Miyoshi ay muddo haasaawayeen Obama, iyada qudheeduna jeclayd.

Xidhiidhka Obama iyo Sheila Miyoshi waxa uu soo bilowday badhtamihii Siddeetanaadkii oo ay markaas labadooduba joogeen gobalka Chicago ee dalka Maraykanka, haasaawe iyo Isfahan kadibna sannadkii 1986-kii ayaa uu Obama booqday Shiela waalidkeed waxa aan uu bandhigay in uu inantooda guur ka doonayo, laakiin labada waalidba arrintaas waa ay ka hor yimaaddeen, iyaga oo ku andacoonaya in inantooda oo 23 sano jir ahayd ay weli aad uga yar tahay da’ guur. Xilligaas da’da Obama waxa ay ahayd 25 sano.

Diidmadaas ma’ay jarin xidhiidhkii Obama iyo gabadhan caddaanka ah, muddo kadib oo uu bilaabay kuliyadda sharciga ee jaamacadda Harvard ayaa uu mar kale ka codsadady Sheile in ay guur ka aqbasho, isaga oo doonayey in markan ay ula guurto magaalada Massachusetts oo uu jaamacadda awgeed u degeyey. Nasiibdarradiisa markanna Sheile ayaaba iyadu diidday soo jeedintiisa, iyada oo u arkaysay in Obama aanu weli qoysnimo u bislayn, isla markaana aanay kalsooni ku qabin mustaqbalkiisa. Si kastaba ha ahaato ee marar badan oo dambe ayaa ay booqata Obama xidhiidhkooduna waa uu sii socday. Sida ay sheegtay iyada lafteeduna xidhiidhkoodu waa uu sii socday xitaa sannadkii hore ee uu xidhiidhka Obama iyo xaaskiisa Michelle cusbaa.

Sheile oo u muuqata in weli aanu qalbigeeda ka dhammaan xidhiidhkii jacayl ee wiilka madowga ahaa ee aanay ka filayn, in uu noqon doono madaxweynaha dalka Maraykanka