Shirkadda Dahab Shiil Oo Shalay Dhagax Dhigtay Dib U Dhiska Hargeisa Staduim

0
806

 

dabashilHargeysa (Geeska) Shirkada Dahab Shiil iyo wasaarada dhalinyarada ciyaaraaha iyo dhaqanka ayaa shalay wada jir u dhagax dhigay garoonka kubad cagta ee Hargeysa Stadium. Dhagax dhigaas ayaa ka danbeeyey kadib markii dhawaan uu dumay dayr ka mida xayndaabka garoonka iyo qaybtii hadhka ahayd ee garoonku.

Maareeyaha shirkada Dahabshiil Md. Cabdirashiid Maxamed Siciid yo wasiirka ciyaaraha Cabdi Siciid Faafhiye, ayaa dhagax dhigay dhismaha cusub ee dayac tirka garoonka, waxaana ku wehelinaayey agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha Mustafe Qodax, xildhibaano ka tirsan labada gole iyo masuuliyiin kale oo ka socday dhinaca shirkada xawilaada lacagaha ee Dahabashiil, wasaarada ciyaaraha iyo shirkada qaatay dhisaha garoonka.

Ugu horayn waxa hakaas ka hadlay madaxda shirkadda Hoobaan o o ay  shirkadoodu qaadatay dib u dhiska garoonka Hargeysa Stadium Eng Maxamed Cabdi, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu marka hore aad ugu mahad naqayaa shirkada Dabashiil ee garoonkan dib u habaynta ku samaynaysa. Hadii aanu nahay shirkada Haboon ee dhismaha waxaanu balan qaadaynayaa oo aanu qandaraaskan ku qaadaynaa in aanu insha allah garoonkan dayac tir wanaagsan ku samayno, wixii karaankayo ahna aanaan waxba kala hadhin, kuna darno wixii aanu ku dari karno”

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac ayaa shirkada Dabashiil ku amaanay doorka ay ka qaadatay dib u dhiska dalka, isaga oo sheegay in haatan ay Dahabshiil aqal u dhisayso mid ka mida mujaahidiintii dalka u soo dagaalamay oo mudo xanuun hayey, waxaanu yidhi xildhibaanku “Shirkadan Dahabshiil ee maanta dhagax dhigaysa aad iyo aad ayey u mahad santahay. Waa shirkada qudhe ee bulshada aadka u taageerta. Waxaa jira guri aan idin tusi doono oo nin mujaahid ah loo dhisaayo oo 22  sanadood ay kaadidu ka da’aysay, waxaana u dhisaysa Dahabshiil. Waxaanu leenahay shirkada Dahabshiil caloosha ayaa laga duceeyee waanu idiin ducaynaynaa. Sida aad bulshada u caawinaysaan Alle ha idinku taageero. Waxaanan ilaahay ka baryeynayaa in uu garoonkan maanta la dhagax dhigay uu noqdo garoon caalamiya”

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Md Cabdi Siciid Faahiye ayaa ugu u mahad naqay shirkada Dabashiil, isla markaana shir kadaha wadaniga ah iyo dawladaha hoose ee  dalka kula dar daarmay inay qaybtooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo wax wada qabsiga, waxaanu yidhi “Hadii aynu isku tashano oo Dahabshiil intaa uu bixiyey, toban shirkadood oo la mida ayaa jiree ay iyaguna intaas in leeg ay bixiyaan, oo maanta qurux quruxdaas ka fiican ka samayn lahayn garoonkan Hargeysa Stadium, oo kaabadaha aad arkaysaan la qaadi lahaa oo kuwo cusub oo casriya la dhigi lahaa, hadana wakhtigu ma saamaxaayo oo dhalinteena ayaan helayn meel kale oo ay ku ciyaaraan. Sidaas daraadeed markii aanu la tashanay shirkada Dahabshiil una qornay qoraal aanu kaga codsanayno, kadib markii aanu ogaanay inay baahyaha dhalinyarada ay u soo jeedaaan, isla markaana aanu aragay inay diyaar u yihiin inay dib wax ugu soo celiyeen dadkooda ayaanu dalabka dib u dhiska garoonka u qornay, waanay naga aqbaleen. Waxaan ka codsanayaan shirkadaha kale ee waaweyn inay ku daydaan Dahabshiil oo adeegyada loo qabano bulshadu way fara badan yihiini ee shirkadaha kalena ha u diyaar garoobaan. Dawlada hoosena waxaan leeyahay maalinta garoonkaas la dayac tiro, hadii ay tahay biyaha, nadaafad labadaba iyaga ayaa u xil saaran ee ha dayac tiraan. Anagu danta guud ayaanu ilaalinaynaa. Waxaana looga fadhiyaa dawlada hoose maanta inay qaybtooda ka qaataan garoonka inay la yimaadaan, hadii ay tahay laydhkii, Roogii iyo waxyaabaha kale ee ay ku darsanayaan.”

Agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha Md Mustafe Qodox ayaa sheegay in dib u dhiska ay shirkada Dabashiil ku samaysay garoonka kubada cagta ay noqonayso tii ugu badnayn ee uu abid maqlo, waxaanu yidhi “Shirkada wayn ee Dahasbiil oo runtii ku caan baxday inay ka shaqayso horumarka dalka, waliba si gaara anaga wasaarada ciyaaraha iyo dhaqanka aad u taageerta aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa. Waxaa halkan inala joogaa maareeyaha shirkada Cabdirashiid Dabashiil oo runtii si geesinimo leh maalintii ugu horaysay intii xilka aanu haynay aanu halkan ku casuunay, isla markaana markii uu garoonka dayaca ka muuqda, iyada oo aanay cidini ku dirqiyin, codsi weyna loo gudbin ku dhawaaqay inuu garaanka dayac tiri doono. Lacagta ay Dabashiil galinaysaana intii aan anigu caqliyeystay abid shirkad wadaniyi lacag ay bixiso oo ay waliba ku bixiso wax dan guud ah ayey noqonaysaa lacagta Dahabshiil u quudhay Hargeysa Stadium.”

Maareeye Cabdirashiid Maxamed Siciid  Ducaale (Cabdirashiid Dahabshiil) ayaa isna ka hadlay dhagax dhiga Hargeysa Stadium ee ay shirkadoodu dayac tirka ku samaynayso, waxaanu hadalkiisii ku bilaabay “Runtii garoonku sida uu sheegay agaasimuhu wuxuu ku yimi fikradan ah inuu Dahabshiil qayb ka qaato. Maalin maal maha ka mida oo lagu ciyaarayey inay nagu soo dhacday fikrad ah dayac tirkiisa in aanu ka qayb qaadano. Sida aad la socotaan markii danbe gidaarada garoonku way dumeen, oo roobkii da’ay ayaa dumiyey. Ilaahayna ha u naxariistoo dadkii ku dhintay, kuwa dhaawacmayna illaahay caafimaad ha siiyo. Dhalinyaradu waxay ka mid yihiin mustaqbalka wadankeena. Aniga farxad ayey ii tahay dhalinyaradaas ku ciyaaraysa garoonka. Sida aad la wada socotaan ciyaartu waxay muhiimad u tahay nolasheena iyo horumarkeena. Waan jecelahay inay dhalinyaradeenu ku ciyaaraan garoomadeena, oo halka ay tiifiyada ka daawanayaan kubad lagu ciyaaraayo meel fog, inay halkoodan ku ciyaaraan oo ay ku daawadaan. Qasab waa in markaa la helaa garoon fiican. Shirkad ahaana sababta aanu u caawinaynaa waa muhiimada aanu u aragnay garoonku inuu ka mid yahay horumarka umada oo waydiinkaas arkaaya oo gidaarada waxaa ku yaala tartanka ka hor taga tahriibta oo iyada lafteedu ay la xidhiidh santahay inay dhalinyaradu mustaqbal arkaan. Hadii aanay arag meel lagu ciyaaran ama nabad ah waxay keenaysaa inay tahriibaan. Markaa waalidka laftooda waxaan ka codsan lahaa inay dhalinyarada kula taliyaan inay ka qayb qaataan ciyaaraha. Waxaad arkaysaa magaalooyinka waaweyn ee ay Hargeysi ka mid tahay in xaafadaha qaar meel caruurtu ku ciyaarto aanay jirin, runtii markaan meelahaas maraayo waan u fiirsadaa, aniga oo bar bar dhigaaya wadamo badan oo dibada ah. Markaa waxaan dadka odhan lahaa waa muhiim in caruurta iyo dhalinyarada loo sameeyo meel ay ku mashquulaan iyo ciyaaro kala duwan. Shirkada ahaan hadii aanu nahay Dahabshiil waxaa dan noo ah wixii umada u dan ah. Garoonkana sharaf ayey noo tahay in aanu ka qayb qaadano oo aanu dayac tirno. Ilaahay waxaanu ka rajaynaynaa inuu garoonku noqdo mid nabad inoo keena. Waxyaabo badan ayaa iska jira oo waxaa jira dad mararka qaarkood dhaawac gaadhsiinaya. Markaa waa loo baahan yahay in xag dawladeed iyo xaga shacabka la iska kaashado oo la ilaashado maal galinta aynu gashanay oo aanay noqon wax khasaara”.

Ugu danbayntii maareeyaha shirkada Dahabshiil ayaa soo maray guri ay u dhisayaan mid ka mida mujaahidiintii halgankii SNM ku naafoobay, waxaanu maareeyuhu u balan qaaday inuu wixii kale ee kariinkiisa ah la qaban doono.