Jaamacadda Hargeysa Oo Shalay Si Rasmi Ah ULa Matanowday Jaamacad Jarmal Ah

0
825

 

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamuud (Xuseen xoog) ayaa ka qeyb galay xaflad ay ku mataanoobayeen kulliyada caafimaadka ee jaamacadda Hargeysa iyo jaamacad caafimaadka ah oo ku taala wadanka jarmalka ah.

Xafladaas oo shalay  lagu qabtay xarunta jaamacadda Hargeysa waxa ka hadlay Wasiirka caafimaadka Somaliland Md. Xuseen Muxumed Maxamed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in jaamacada Hargeysa ay la mataanowdo jaamacad ku taala wadanka Jarmalka waxaanu xusay inay Kulliyada caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa ay u baahnayd jaamacad ay iskaashi la yeelato oo ay ka faa’iidaysato.

Waxa isaguna xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Muuse Cabdi Cilmi, waxaanu sheegay in suurto galinta iskaashiga jaamacada Hargeysa iyo Jaamacad ku taala Jarmalka uu suurtogeliyay urur samo-fal oo wadaniya oo magaciisu yahay Tawakal.

Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Wasiir Ku Xigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta Sare  Cali Xaamud Jibriil oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo jaamacadahan midoobay waxaanu carabka ku dhuftay in wasaarada waxbarashadu ay ka go’an tahay sidii kor loogu sii qaadi lahaa.